Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Marjaca Isimada Puntland Oo Ka Digay: Sokeeyaha Kaligood Isku Koobay Duufaanta Nicmo Iyo Sararta Wanka Weyn .. Isimada Oo Dhambaal Hufan U Gudbiyey Madaxweyne Gaas

Sunday - August 6, 2017


Ceelkii Garowe- Wararka naga soo gaaray magaalada Garowe ayaa sheegaya in isimadi Puntland ee higsiga fog lagu yaqaan ay u gudbiyeen dhambaal qoraal ah oo ku jiheysan gudoonka barlamaamka iyo madaxweynaha Cabdiweli Gaas oo ay ku cadeynayaan go'aamadi ay u tafo xaydatay kana soo baxay shir gobedkii isimadu ku lahaayeen dhawaanahaan xarunta Garowe ee doodiisu ahayd talan-taali dhex martay labada dhinac beesha Tanade Darood iyo Isimada. sido kale dhambaal-kaas ayaa ahaa mid ku jiheysan inta halmaansan xurmada beelaha la dulmiyey iyo inta xasadka iyo xumaanta ka shaqeysa .. inta xakamaha goosatay ee ku biyo- batalaqsata xishood la'aanta .. inta xirfada ka dhigatay bac-bacda xaqiraada iyo xajiimeynta bulshada wanaagsan

Isimada Puntland oo marjac u ah sharciga maamulka, kuwaaso bixiyey talo bulsho lagu mideynaayo, isla markaana ah waa ismada iyo sharcige laba aan kala maarmin, ayaa qoraal-koodaas ku xusay in beelo tirsan oo ka mida beesha Tanade aysan haysan xuquuda xubno baarlamaan ay leeyihiin, sidaa awgeedna codsaday in dib u eegis lagu sameeyo qodobka 60-aad ee dastuurka, waxay kalo codsadeen in xubnaha baarlamaanka la gaarsiyo tiro 79 xubnood.

Sida warka lagu helaayo Guddoonka golaha Wakiilada ayaa iyagana dhinacooda codsigan u gudbin doona golaha baarlamaanka oo hadda xaruntooda ku shirsan, waxaana suuragal ah in meel-mar ay ka dhigaan kordhinta xildhibaanada oo ay u codeeyaan in la furo tiradda baarlamaanka Puntland. waase haddi gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne Gaas aysan saameyen kuwa hadal aan marin iyo inta hadalka maqiiqaya ee aan rabin in wax socdaan .. waxaa looga fadhiya Gaas inu noqdo geesi fool-adag dhaba oo arinta ka qaras bixiya xaga baarlamaanka

Sida laga warqabo Mamulada Somalida 3 Gobal ama 2 Gobal ka koban ayaa baarlamaan-kooda ku leh 89 ama 98 xildhibaan xubnood, Laakiin Puntland oo 9 Gobal ka koban ayaa weli taagan 66 xildhiban oo kaliya, taaso lagu sababeeyo in Rag siyaasiyiin ah oo qurbo joog ku soo khafiifay ay qabyaaladnimo awgeed go'aansadeen in aan laga gogol roonaan.

Arintan codsiga kordhinta oo ka baxday jawigi aamusnaanta ayaa ah haddi la aqbalo mid soo dhaweyneysa midnimada dadyooga mandiqada, maa daama beelo badan oo puntland wax ka dhistay maamulka Puntland ay tahay iney wax ka go'aaminayaan masiirka puntland