Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Maska Goodka Halista Ah .. Imaam Masjid Oo La Qabtay Lana Xaqiijiyey Inu Ka Tirsan-yahay Sirdoonka Israaiil

Saturday - August 26, 2017


Baraha Warbaahinta caalamka ayaa lagu soo shaaciyey in maamulka Amniga Libiya ay dhawaanta soo qabteen Nin Imaam ka ahaa Masjid ku yaala Tripoli oo halkaas durbaan Jihaad u tumi jiray ururada xag-jirka sida Daacishka, Ninkaas oo loogu yeeri jiray magaca Imaam Abu-Xafza, waxaa markii dambe la ogaaday in magaciisa runta ah u yahay Binjaamin Avrem, hayb ahaana ka soo jeedo dalka israaiil

Sida warku xusaayo, ninkaas markii la qabtay ilmada ka gabax tiri oo isla markiiba si butaac ah u qirtay inu diinta islaamka ka munaafaqeyn jiray oo sidi Maska waabaayada fitnada dhan walba u seyri jiray, baahin jiray ajar iyo jihaad been been ah, dhigi jiray miinada gumaadka iyo fadareeyn nabada oo sidaas dhagar iyo dhiig kula dhex jiray musllimiinta Libiyaanka, dabadeed isago sheegay inu ka tirsan-yahay sirdoonka Musaad ee cariga israaiil, wuxuu si qaras-bax ah ku cadeeyey in muhimadiisu kowaad ahayd inu khilaaf iyo qarja-jac kala dhex dhigo dadka Libiya, isla markaana qofka musllinka ah denbi looga dhigo ku dhaqanka diintiisa kadibna gaalnimo lagu xukumo ama inta la gardaduubo cadawga loo geeyo, sido kale seef xiireysa la mariyo shakhsi iyo wadaad kasta oo ka soo horjeeda siyaasada dalka israaiil, waxaa kalo la tilmaamay inu madax ka ahaa tiro labo boqol caamo mujaahidiin la soo xulay oo ujeedadu ahayd inu si gaara ugu adeegsado dilalka qorsheysan iyo gumaadka miinada loo dhigaayo shacabka.

Waxaa kalo la warinayaa in baaristi ninkaas lagu ogaaday in sanadkaan gudihiisa laba jeer dar-darsaday abaal marin dalcaad iyo hambalyo looga soo diray dalkiisa israaiil hawlaha halyey-nimo u qabtay iyo guulo badan oo u hinjiyey awgeed, waxaana loo ballan-qaaday marku dalkiisa ku soo laabto u caano iyo barwaaqo ku dabaalan-doono, waxaase la soo xiganaya gabagabo iyo baaristiisi in ninkaas hadda loo tolay kiishkii geerida.

Fiiro Gaara- Arimahaan iyo dhacdadaan ee qolo-kasta cadaw ku ah islaamka wadaanta u ridatay, waxaa ka si daran sida foosha xun ee diinta islaamka looga dhigay mid ku shaqeysa xumaan iyo fool-xumida dunida ka taagan, ayna rumeeyeen dad badan oo aan islaam ahayn iney tahay Diin ku dhisan qarax iyo burbur, ayna aamineen iney waajib tahay in laga sifeeyo dunida dusheeda .. inkasto cid ka sifeyn-karta aysan jiri oo arin ilaahay gacantiisa iyo ballanqaad-kiisa ku jirto tahay.