Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Waa Kuma Askariga Loo Xiray Dilkii Wiilka Batuulo Gabale

Tuesday - October 3, 2017


Tan iyo wixii ka dambeeyay markii la soo xiray Askari ka tirsan NISA oo loo haysto inuu weeraray Gaariga Gudoomiyaha Haweenka Qaranka, Dilayna Xoghayntii iyo Wiil ay dhashay Gudoomiyuhu waxaa dabagal lagu sameeyay askarigan xiran

Waa Kuma Askariga?.
Askari loo soo qabtay Dhacdadaasi waxa uu ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda ee illaaliya Safaaradda Turky-ga ee Muqdisho, Waxaana lagu magacaabo (Muriidi) isagoona ka tirsanaa Waqti dheer Ciidanka NISA.

Dable Muriidi  waxa uu ka soo jeeda (Beesha Jareerwayne), isagoona lagu tiriyo inuu ka mid yahay Askarta Waqtiga ugu dheer ka mid ahaa Ciidanka NISA, Waxaana uu caan ku ahaa Qori M16 Duq ah oo u wato, Maadaama aan la siin Qoryaha Cusub ee Nabadsugiddu qaybiso, isna uusan awoodin inuu gato Qori Cusub, sidoo kalana waxa uu si iskiis ah u soo gataa Rasaasta Qorigiisa.

Sidee Loo Tuhmay Askarigan, ?

Booliska oo goobta wax lagu dilayo Isgoysyadda ku dhow dhow oo dhan fariisimo ku leh ayaa loo haystay sababta ay u soo qaban waayeen ciddii gaysatay Dilka, Waxaana Wasiirka Amniga uu ku hanjabay inuu Tallaabooyin adag qaadayo, haddii aan la keenin Cidda gaystay Dilka Xamarwayne, taasoo keentay in Boolisku ay ka fakaraan Xeelad ay isku badbaadin karaan.

Askartii meesha ka ag-dhawayd ayaa laga qoray inay maqlayaan Rasaasta wax lagu dilay, ayna ahayd Qori M16 ah, Waxayna sidoo kale sheegeen inay markii ay tageen goobta dilku ka dhacay loo sheegay in Nin watay Gaari Spacio ah uu wax dilay, taasoo aan loo hayn Cadaymo ku filan.

Booliska oo Xogtaas ay iyaga isku sheegeen isticmaalaya waxay raadiyeen Askari leh Qori M16 ah si Kiiskan dusha looga saaro, loogana badbaado, kadibna waxay is tusiyeen Askari Muriidi oo Qabiil ahaana ay tuhmayaan inaysan culays kala kulmayn Beeshiisa ay u soo qabtay arrintan, kadibna Wasiirka Amniga loogu qanciyo in la qabtay ciddii Dilka ka gaystay Xamarwayne.

Qaladaadka Ku Jira Arrinta Askarigan.

Saxaafadu waxaa ay isku dayday inay ogaato Maalinkaas Dilku dhacay in Askarigaasi uu Shaqo ku jiray iyo inuusan ku jirin, waxaana Xiriiro kala duwan, kadib aan ogaanay in (Muriidi) markii uu Dilka Xamarwayne ka dhacayay inuu Waardiye ka lahaa Safaaradda Turky-ga.

Arrinta Labaad ee u baahan in la dul istaago ayaa waxay tahay sida lagu bartay Weeraradda Gaadiidka ee ay gaystaan Alshabaab kama soo dagaan Baabuurka ay wataan, sidoo kalana waxay ku fuliyaan Weeraradda Noocaas ah ugu yaraan 3 Qof oo mid Darawal yahay, Balse hadda Boolisku waxay sheegayaan in Ninkan uu isagu Gaariga waday, kadibna inta ka soo dagay uu laayay Dadkaan, markaas kadibna inta ku laabtay Gaarigiisii ku baxsaday, taasoo ah waxaan suuragal noqon karin.

Wasiirka Amniga Gudaha, isagoo aan iska hubin arrintan ayaa Warbaahinta la wadaagay, waliba waxa uu caqabad ku noqonayaa Habka Garsoorka Askarigan, Maadaama Wasiir Amni uu sheegay inay hayaan Ciddii falka ka gaysatay, waxaa adkaan doonta in si fudud lagu sii daayo, taasoo ka dhigan in Askarigan uu waayay Xaqa uu u lahaa inuu helo Cadaalad.

Dadka la Dilay Eheladooda waxaa loo iftiimiyay Raad aan sax ahayn oo iyaguna ay waligood daba taagnaanayaan, Waxayna taasna noqonayaa caqabad kale. Iyadoona arrimahan oo dhan laga baran karo in Dowladda Somalia ay Howlaha Amniga u wajahaan si ka baxsan Siyaasad Amni.

Ahmed Roble