Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Ruushka Oo $600 bilyan U Qorsheeyey Sameynta Hub Casri Ah..Halkeese Ayuu Geyn-Doonaa Hubki Hore

Friday - Feb 25, 2011

Dawladda Ruushka ayaa sannadka 2020 maalgelin ku samaynaya samaynta hub cusub oo uu ku badalo hubkii hore ee gaboobay ama duuga ahaa, kaas oo loo qorsheeyay hanti dhan $600 bilyan

Hubka cusub waxa uu ka kooban yahay sidan
- 600 oo diyaaradaha dagaalka ah
- 100 Markba oo kuwa dagaalka ah
- 1000 diyaaradaha qumaatiga u kaca( Helicopters )

Warbixntan ayaa laga soo xigtay xubin muhiim ah oo ka tirsan Wasaarada Gaashaan dhiga ee Ruushka, waxaa kaloo ku jira hubka cusbub 8 Gujis oo ah maraakiibta quusta mowjadaha badda ee xambaara saraawiirkhda Boeleve racet, iyo 2 Markab oo ah kuwa arbushka ee loo yaqaano Mistral klao, kuwaas oo halkii Markaba uu qaadi karo 16 Helikobters iyo boqollaal gaadiidka gaashaaman ah , Maraakiibta mistral Klao labo ka mid ah dalka Franasiiska ayaa qandaraas ku qaatey oo lagu samaynan doono Ruushka dhexdisa

Mid ka mida madaxda sare Wasaarada gaashaandhiga ee Ruushka ayaa ka digay in Hubka cusub ee casriga ah iyo dib u habaynta lagu samaynayo Wasaarada gaashaandhigu ay saamayn ku yeelan doonaan in 200,000 oo askari shaqada laga fariisiiyo iyo 6-10qaybood oo ka mida ciidamada Ruushka in la laabo,

Qiimaynta hubkani waxaa la sheegayaa in ayna ku jirin Quwadda Nuklear, laakiin waxaa culayska la sarayaa in naqshada hubkan cusubi ay noqon doonto in ciidamada Ruushku ay dedeg cagta u saraan wixii ka baxsan gayigooda , haddii loo isticmaalo si xarfadaysan oo taama lagu guulaysan karo,sidaas waxaa yiri mid ka mid ah khubarada qiimaynta hubka ee Ruushka mr.Pavel Felgenhauer

Guud ahaan Wasaradda Gaashandhiga ee Ruushka gujisyadda ay dalbatay oo dhan waxa ay dhanyihiin 20Gujiso marka lagu daro 8 gujis ee kor ku xusan,iyo boqolaal gaadiidka guura ee xambaara sawariikhda cirka ee S-400 oo Ruushku iska dhaxlay saddex Jiil lagu badalo nooca S-500 ,sidoo kale hubka cusub ee Ruushka uu samaysanayo waxaa ku jira 35 markab oo ah kuwa fudud ee gurmadka iyo 15 Marakiibta waa-wayn ee taakulaynta ciidamada sida Saadka, sahanka ciidamada. iyo is gaarsiinta sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga ee Ruushka mr..Popovkin