Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Deganaasho Aan La Isku Haleyn Karin Oo Saaka Mogdisho Ka Jirta

Saturday - Feb 26, 2011

Muqdisho – Deganaan aan sidaad u caga badneyn ayaa saaka laga soo sheegayaa deegaanadii ay dagaaladu ku dhexmarayeen ciidamada dowladda KMG ah oo AMISOM ay taageerayaan iyo kuwa ururka Al-shabaab ee dagaalka kala horjeeda.

Wadada Warshadaha oo ah goobta ugu badan oo dagaalada xoogooda ay kadhacayeen ayaa saaka yara deggan oo aanay jirin wax dagaallo ah oo ka dhacaya marka laga soo tago madaafiic ay aroortii hore ee saaka dhinacyada dagaalamaya is weydaarsadeen, waxaana Ciidanka Dowladda uu iminka  ku Sugan-yahay Wadada Warshadaha

Sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan mogdisho, dagaalka ayaa ah mid mar walba la filan karo maadaama dhinacyada dagaalamaya ay weli isku horfadhiyaan goobihii ay ku dagaalamayeen

Wadada warshadaha oo ah wadada kaliya ee ay isticmaalayeen shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku xirantay dagaalada, iyadoona hadda magaalada ay kala go’doonsan tahay oo aanay shacabka isku gudbi karin.

Dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaa markii hore ahaa kuwa aan natiijo badan laga gaaraynin, laakiin hadda qorshaha dagaalada wax badan ayaa iska badalay oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyey horumar ka sameynayey dagaalada iyagoo la wareegay dhowr fariisin oo ay Al-shabaab ka joogeen magaalada Muqdish