Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Shacabka Sacuudiga Oo Ku Gacan Seyray Maslaxda Laaluush Ee Boqor Cabdalla Bixinaayo

Saturday - Feb 26, 2011

Jida-Sacuudiya: wararka dalka sacuudiga ka soo yeeraya ayaa tilmaamaya in shacbiga reer sacuudiga aysan ku farxin hadalkii dhawaan ka soo yeeray boqorka Sacuudiga Boqor Cabdalla bin Cabdi-casiis oo talo ku gaaray inu shacbkiisa siin-doono balaayiin doolar oo noloshooda kor looga qaadayo.

Dad badan oo shacabka Sacuudiga ayaa markiiba candhuuftooda dib u liqay oo hadalkaas boqorka ka soo yeeray ku tilmaamay laaluush iyo maaweelo iyo shacabku yusan kaa tagin, balse la oran karo waa tijaabo dadka lagu eegaayo .. waana arin aan loo baahneyn ayey yiraahdeen oo ka fog xaqiiqada jirta ee lagu doonaayo isbedal siyaasadeed inu dalka ka smeysmo, waxayna carabka ku sii dhufteen in ujeedada weyn ay tahay in lagu hakiyo sidi dalkaas aysan uga dhicin qulqulaato iyo shido la mida ti ka dhacaday Masar Iyo Tuunis.

Waa sida ay yiraahdeen qulqulaatada iyo baraaruga ka jirta dunida carabta ma aha mid inta badan la xariirta dhaqaale, balse waa xaalad siyaasadeed oo shacuubta carabta ku doonayaan in dalkooda ay ka dhacdo is badal sida dimuqaraadiyada dawladaha kale ee caalamka.