Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Hogaamiye Macamar Qadaafi Oo La Qiray Isir Ahaan Inu ka Soo Jeeda Reer Yahuuda

Sunday - Feb 27, 2011

Telaviv: Laba hablood oo la kala yiraahdo Guita Brawn iyo Raashil Sacda oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qoomka yahuuda ayaa qiray in hogaamiyaha Macamar Qadaafi ay daliil u hayaan xirirka isr ay la leeyihiin Macamar qadaafi .. hablahaas oo u warameysey TV-ga chanalka labaad ee dalka Israaiil ayaa mar la weydiiyey sida ay qaraabo ku noqdeen Macamar Qadaafi, waxay cadeeyeen in xiriirka qaraabanimo u ka yimi xaga haybta hooyo oo dhashay odagi Qadaafi  

Labada hablood oo warkooda si qeexaya waxay carabka ku dhufteen in ayeeydood iyo iyo hooyadi dhashay Shiikh Qadaafi oo ah ayeeyada Macamar ay wada dhasheen oo ay ahaayeen walaalo, waxayna ayeeyo guursatay Qadaafi marku soo furay nin yahuuda oo markedi hore guursaday.

Hablaha Iyagoo Warkooda si wata waxay yiraahdeen ayeeyada dhashay Qadaafi ninka soo furay waa uu dili jiray, mashaqa ku noqday xuquuqdeedina ka dafiray, dabadeed ayey guursatay Shiikh Qadaafi Aabihiis, oo halkaasna diinteedi yahuuda kaga xuub siibatay tan islaamka.

TV-ga Chanalka Labaad oo wareysiga gabdhahaas faalo ka bixinaayey ayaa yiri Korneyl Macamar Qadaafi Xaga Sharciga Yuhuuda Waa nin Yuhuuda ma daama uu ka soo jeedo asal ahaan isr hooyo yahuuda, waxayna intaa raaciyeen inu imaan karo dalka israail iyadoo loo eegaayo sharciga ku soo noqoshada dalka israaiil.