Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Madaxweyne Cabdirabi Mansuur Hadi Oo Xabsi Guri Ku Jira "Under House Arrest In Riyad"

Wednesday - November 8, 2017


Bishii Agoosto ayaa Airportka magaalada Riyadh laga soo celiyey Abdulrabi Mansuur Hadi iyo koox la socotay oo xiligaasi doonayey inay tagaan magaalada Cadan ee caasimada Kumeel gaark ee dowlada Yemen.

Sacuudiga ayaa ku doodaya in aysan xiligan amaan ahayn magaalada Cadan oo ay u baqayaan waxyeelo soo gaarto Madaxweynaha Yemen iyo xubnaha la socday.

Madaxweynaha Yemen ayaa bilihii la soo dhaafay marar badan Qoraalo u qoray Boqorka Sacuudiga Salmaan isagoo ka codsaday in loo fasaxo inuu tago dalkiisa Yemen, walow Boqorka Sacuudiga uusan weli uga soo jawaabin qoraaladaasi ayey yiraaheen qaar kamid ah saraakiisha dowlada oo warbaahinta la hadlay.
Balse xabsi guriga uu ku jiro Hadi ayaa la sheegayaa inay la xariirto murran ka dhex taagan Madaxweynaha Yemen iyo Dowlada imaaraatiga oo kamid ah xulafada Sacuudiga ee ku jirta dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Imaaraatiga ayaa ku eedeenaya Hadi arrimo la xariira musuq maasuq iyo waliba xiriirka uu laleeyahay kooxda AL Islaax oo hoos tagta Ikhwaan Muslimiinka. Hadi ayaa isku dayey inuu golihiisa Wasiirada ka casilo Wasiirada taageerada ka hela Imaaraatiga walow taasi uusan weli ku guuleysan.

Dowlada Imaaraatiga ayaa iyadu hada ah tan ugu awooda badan koonfurta dalka Yemen, isla markaana magaalada Cadan ka dhistay ciidamo xoogleh oo iyaga toos uga amar qaata kuwaasi oo aan hoos tagi dowlada Hadi.