Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Bulshada Somaali Ee Ku Nool Yamanta Cadmeed Oo Lagu Soo Rogay Bandow Si Aysan Uga Qayb Qaadan Kac...

Sunday - Feb 27, 2011

Waxaa xalay kulan ballaadhan uu ku dhexmaray xaafadda Basaatiin ee magaalada Cadan saraakiisha ciidamada ammaanka ee Cadan iyo waxgaradka qaxootiga Soomaalida ah ee ku dhaqan xaafadaas.

Kulanka oo ka dhacay saldhigga ciidamada ammaanka ee xaafadda Basaatiin ee ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa waxaa lagu falanqeeyay sida Soomaalida looga fogeyn karo ka qeyb-qaadashada dibadbaxyada iyo rabshadaha ka soconaya magaalada Cadan iyo guud ahaan dalka Yemen.

Iyaddoo ay jiraan tuhunno ah in Soomaalida ku dhaqan dalka Yemen ay qeyb ka noqdeen rabshada ka socda dalka Yemen ayaa ugu dambeyntii waxgaradka Soomaalida iyo ciidamada ammaanka ee gobolka Cadan isku afgarteen qoddobo dhowr ah oo ku wajahan Soomaalida qaxootiga ah, waxaana qodobadaas ka mid ah in Soomaalida ay ka fogaadaan meelaha ay isugu soo uruuraan dibadbaxayaasha, in ay ku xaroodaan guryahooda xilli wannaagsan marka ay danahooda iyo nolol maalmeedkooda soo dhameystaan iyo in tallaabo sharci laga qaadi doono qofkii Soomaali ah ee lagu helo isagoo dhex taagan ama u dhow meelaha ay isugu yimaadaan bannaanbaxayaasha ee xaafadda Basaatiin iyo meelaha ka baxsan.

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Cadan ayaa dhankooda waxay odayaasha u sheegeen inay cabsi weyn ka qabaan in Soomaalidu ay si toos ah uga qeybgasho qulqulatooyinka Cadan kasii soconaya, iyaddoo horeyna loo shaaciyey in qaar ka tirsan Soomaalida ku dhaqan Cadan ay ku lug yeesheen qalalaasaha ka oogan magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Baana oo ka mid ahaa waxgaradkii kulanka la qaatay saraakiisha ciidanka ammaanka ee Yemen, islamarkaasna akhrinayey qodobadda ay ku heshiiyeen iyaga iyo ciidanka ayaa sheegay in kooxaha mucaaradka dowladda Yemen ee wadda bannaan-baxyada ay iyagana Soomaalida ku eedeeyeen inay la safteen taageerayaasha dowladda.

Iyaddoo nolosha Soomaalida Basaatiin ay ku xiran tahay deegaannada xaafadda ka baxsan, ayaa haddana tallaabadan bandowga u eg ee Soomaalida loogu sandulleynayo inay casarkiiba deegaannadooda dib ugu laabtaan, ayaa sameeyn ba’an ku yeelan doonto nolosha qoysas badan oo xaafada Basaatiin ku nool.