Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Shiikh Shariif Oo Ku Adkeystay Warqadii U Gudbiyey Gudoonka Baarlamaanka

Monday - Feb 28, 2011

Mogdisho: Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in gudoonka barlamanku aanuu xaq u lahayn in uu is hortaago warqadii uu dib ugu celiyay goÂ’aankii wakhtig Muddo kordhinta ah ay ku samaysteen Mudanayaasha Baarlamaanka Dawlada KMG Somaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaliya kula hadlay Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamanka ayaa waxaa uu sheegay in gudoonka barlamanka aanuu is hor taagi Karin Warqadii dhawaan uu Madaxweynaha Somalia u gudbiyay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in gudoonka barlamanka looga baahan yahay in uu ku ekaado shir gudoonka barlamanka hase ahaatee aan arimaha barlamanka aanuu faragalin karin, wuxuuna tilmaamay in Xildhibaanada barlamanka ay ka jawaabaan warqadii uu Madaxweynaha u gudbiyay oo ku aadaneyd in barlamanka ay ka fiirsadaan wakhti kordhinta ay samayteen.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in khilaaf siyaasadeed laga dhex abuuro dowladda KMG oo xalad adag ku jirto xili uu tilmaamay in dowladda dagaalo horumar laga gaaray ay kula jirto dhinacyada dowladda dagaalka kula jira ee Al Shabaab