Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

6 Dhalinyaro ka Tirsan Al-Shabaab Oo Ku Qaraxday Miino Ay Ku Aasayeen Buundada

Wednesday - March 9, 2011

Baladweyne: Lix ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku dhintay qarax ka dhashay miino ay ku aasayeen buundada 1aad ee magaalada Beledweyne.

Qaraxa ayaa sababay in la kala garan waayo meydadka lixda nin oo jirkoodu cad cad u jarjarmay, waxaana islamarkiiba goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray qaar ka tirsan horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in lixda nin ay muddo halkaasi ku sugnaayeen ka hor intaysan ku qarxin miinada ay aasayeen.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka Al Shabaab ee isla gobolka Hiiraan ayaa weerar ku qaaday dad xoolo dhaqato ah oo ku nool tuulada Ceel-ciid oo aan sidaas uga fogayn degmada Jalalaqsi.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerarkaasi ku dhaawacay labo qof oo ka mid ah dadka deegaanka, iyagoo horay u sii kaxeystay wiil dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inuu jaajuus u yahay ciidamada dowladda KMG ee gobolka Hiiraan.

Weerarka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen xoolo dhaqatada ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay isaga baxeyso qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.