Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dayaxa Oo Dhulka U Soo Dhawaan-doona Bishaan Marso 19-keeda Iyo Digniin Masiibooyinka Dhicikara

Wednesday - March 9, 2011

Maalinta Sabtida ee 19Maarso 2011da, Dayaxa ayaa ku soo dhowaanaya dhulka, ififaallahan oo aqoonyahanada Xiddigisku ay ugu yeeraan ( Super Moon ) ayaa ah markii ugu horaysay ee Dayaxu uu ku soo dhowaaday dhulka qiyaasta masaafad dhan 356,577km, taas oo markii ugu dambaysay ee uu dhulka u soo dhowaaday ay ahayd sannadkii 1993dii. laakiin sida ay sheegeen Xiddigisku masaafadda u dhaxaysa dayaxa iyo dhuka waxa ay dhan tahay foggaan dhan 384,4403 oo km. sidaa darteed labadda masaafadood waxaa u dhexeeya fogaan dhan 27,826kkm.

Marka Dayaxu uu ku soo dhawaado dhulka, sida warbixintu tilmaameyso waxaa la arkaa astaamo iyo calaamaddo badan oo laga dareemo dhulka korkiisa oo dhan,kuwaa oo ay ka midyihiin, muqaalka dayaxa oo la moodo in uu dhowyahay, qaabkiisuna u muuqdo mid ka wayn muqaalkiisii hore qaabkaas oo loo yaqaano Lunar Perigee, isla markaana waxa uu saamayn ku yeeshaa cimiladda Barriga iyo Badda oo waxaa dhaca duufaano iyo dabbaylo xoog badan , kullayl xad-dhaafa iyo dhulka fulkaanaha leh oo qaarkood ay soo butaaciyaan qiiq, dambas iyo dambaaburro (Lava ) qul-qulsha oo holcaysa,

Hasa ahaate, sida xiddigisku qaarkiis sheegeen Arintan in laga cabsoodo ma ahan in saamayn yar iyo saamayn in ay ku yeelato dhulka , laakiin waa malo-malayn inay dhacaan masuubooyinkii dhacay wakhtiyadii hore ee dayaxu uu dhulka ku soo dhowaaday, sida duufaankii Orkaan ee ka dhacay carriga Maraykanka ee New England 1938 iyo daadkii Hunterl Valley ee 1955tii iyo dabaylihii duufaankii Cycloon ee 1974tii iwm, haddana aan sugno kuwo la mida masuubooyinkii ,sida duufaankii Katarina 2005tii iyo Fulkaanihii ka qarxay Indonisia.10Janaayo,2005tii..

Xiddigis David Reneke ayaa yiri; Dadku ayay ka shakiyin dhacdadan in ay tahay masiibo xaqiiqo ah oo dhacaysa, xitaa haddii aad isku daydo in aad samayso sida ugu wanaagsan, Masiibo kasta oo dabiiciya ma waxa aad la xiriirin kartaa in ay wax ka jiraan ama ay wax iska badaleen Meerayaasha sida dhagaxa Koomeet, Qorraxda iyo kuunka.

Proff. Victor Gostin oo wax dhiga Jaamacada Adelaide ee Australia ayaa yiri waa digniin marka ay timaado wakhtiga dayaxu uu dhulka ku soo dhowaado, laga yaabaa in dhul gariir xun uu ka dhaco nawaaxiga deegaamadda ku gadaaman dhulbaraha iyo badwaynta , sidoo kale boqolkiiba 90% waa macquul in uu noqdo dayax soo billanaya ama uu noqdo dayax buuxa oo dhamaystiran, aqoonyahankan waxa hadalkiisa uu ku soo gabo gabo-gabeeyay hadalo u dhigma , bishuba horteena ayay iman, waxa aynu haysanaa muddo dhowr habeyn ah oo aan ku seexano ee bal aan sugno.