Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Wasiir Difaaci Hore Ee USA Mr.Ramsifeild Oo Soo Bandhigay Cajalad Muuqaala Oo Uu Ka Helay Sadam

Thursday - March 10, 2011

Stockholm: Xoghayihii hore ee gaashaandhiga dalka mareykanka Donald Ramsfeild ayaa soo bandhigay cajalad muuqaal ah oo uu ku sheegay in madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen uu isaga shakhsi ahaan u siiyey.

Cajaladan oo lagu soo bandhigay websie-ka Ramsfeild ayaa muujinaya askar Reer Suuriya ah oo ilkahooda ku jarjaraya madaxyo Masas iyo askar kale oo dooxaysa Eeyo yar yar ilaa ay ka bakhtiyaan.

Ramsfeild waxa uu sheegay in uu tagay baqdaad sanaddii 1983 isagoo ah ergayga bariga dhexe u qaabilsanaa madaxweynihii hore ee mareykanka Ronald Regan, kadib kulan uu layeeshay saddam Xuseen uu hadiyad ahaan u siiyey cajaladaas.

Ramsfeild waxa uu ku qoray website-kiisa Ramsfeild.com in hadiyadan ay tahay wax cajiib ah balse shakhsi ahaantiisa ay niyad jebisay.

Cajladan oo soconaysa muddo saddex daqiiqo ayaa lagu soo bandhigay fadeexooyinkii maamulkii ka arrimin jirey dalka Syria.

Cajalada ayaa waxa ay soo bandhigaysaa madaxweynihii hore ee dalka Syria Xaafid Al-asad oo uu garab fadhiyo walaalkiis Rafcat Al-asad oo ahaa madaxii ciidamada sirta oo u sacab tumaya askarta dooxaysa Eeyaha yar yar iyo kuwa ilkahooda ku jar-jaraya madaxyada Masaska.

Donald Ramsfeild oo ahaa xoghayihii gaashaandhiga mareykanka xilligii madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Jorge Bush ayaa hadda wada qoraalka buug uu ugu magca daray "Known un Known" kaasi oo uu uga sheekeenayo taariikhdii dheereed oo uu ku soo jiray maamulka mareykanka laga soo bilaabo madaxweyne Richard Nixon ilaa xilligii Jorge Bush