Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Degaanka God-Dhurwaa Ee Aaga Dhusamareeb Oo Dagaal Kharaar Ku Dhex Maray Al-Shabaab Iyo Ahlusuna

Friday - March 11, 2011

Warar kala duwan oo naga soo gaaraya dhuuso-Mareeb ayaa sheegaya Galabta casarkii ay halkaasi ka dheceen dagaalo xoogan uu dhexeeya Urarada Al-shabaab iyo Ehelusunna.

Deegaanka Godh-dhurwaa oo ku dhowaad 20Km u jira dhusamareeb dhanka
bari ayaa waxaa ka bilowday dagaalkaasi oo dhex maray labbada dhinac ee al-shabaab iyadoo aan weli la xaqiijin cidda weerarka soo qaaday iyo waxa uu ka dhashay.

Warar kale oo aan hellayno ayaa sheegaya in ururka Ehelusuna ay kaashanayaan Ciidamo ithopian oo dhowaanahan lagu sheegayey in ay ka agdhow yihiin aagagaasi, dhusamareeb ee Degmooyinka hoos yimaada.

Warar xaqiiq ah oo sheegaya sida wax loo kala qabo lama hayo, balse waxaa jira dhaawac badan oo aan tiradiisa la shaacin iyo weliba ilaa 3-dhimasho ah sida aan wararka ku hayno.

Hub cul culus iyo midka fudud ayaa laysu adeegsanayey wakhtigii dagaalku socday in kastoo haatan ay xaaladu tahay mid degan, balse weli xiisada labbada dhinac ayaa Taagan.