Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dhulgariir Weyn

Friday - March 11, 2011

War Deg Deg Ah: Dhulgariirkii Abid Ugu Weyna Ee Sunaamiga ahaa Oo Ku Dhuftay Dalka Japan
Tokyo(SNN)Dhul-gariir ba'an oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa taariikhda ayaa ka dhacay dalka Japan Waxa uu gaadhay ilaa 8.9 qiyaasta loo yaqaan Richter.

Dhul-gariirkaasi oo si xawli ah usoo gaadhay goob 400 Km beri kaga toosan caasimadda dalka Japan ee Tokyo, Cabirka iyadoo aanay weli caddayn dhimashada iyo dhaawaca dadka ka soo gaadhay ayaa hadddana warbixin horu dhac ahi tilmaamaysa in dhimashadu gaadhi karto ilaa 100 ilaa 300 boqol oo qof iyadoo laga cabsi qabo inay intaasi ka sii badato.

Hay’adda Saadasha Cimilada dalka Maraykanka ayaa sheegtay in dhul gariirkani la filaayo in mid kale daba socon karo iyadoo heegan laga gallay gobolka xeebta dalka maraykanka ay kala jaar yahiin Japan ee Hawai, waxaana sidoo kale la kordhiyey heeganka Sunami laga cabsi qabo inay ku dhufato xeebaha Pacif ee koonfur Berri.
dalka Newzealand, Philipine, Thailand, Singapore, Indonesia iyo Malaysia ayaa waxay qaadeen tallaabooyin hor leh oo ay dadkooda ku baraarujinayaan inay ka feejignaadaan sunami ku dhufta iyadoo laga cabsi qabo in darbado kale oo dhul gariir badda ahi uu soo laba kacleeyo.

Akhristayaal Wararka ku soo kordha Masiibaddani dhul gariirka Dalka Japan kala soco Salalnews.com oo si toos ah idiinku soo gudbin doonta haddii alla yidha….