Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Labada Madaxweyne Siilaanyo Iyo C/raxmaan Faroole Oo Berri Ku Kulmi-doona Magalada Adis Ababa

Saturday - March 12, 2011

Adis ababa: Warar la xaqiijinaayo ee ka soo baxay magalada Adis Abab ayaa tilmaamaya in madaxda itoobiya ay ka dalbatay madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Somaliland iney berito kulan isugu yimaadaan magalada Adis ababa.

Sida ay sheegeen wararka u dhuun-daloola kulanka la doonaayo inu adis ka dhaco ee dhex maro labadaas dhinac, lana xariira sidi loo soo af-jari lahaa colaadi dhawaan ka dhacday degaanka Kalshaale oo ay ku dirireen beelo ka soo jeeda Puntland iyo ciidamada Somaliland taaso si adekeysay colaada Puntland iyo Somaliland

Dawladda Itoobiya waxay horay deegaankaasi ugu dirtay wefdi culus oo soo qiimeeya xaalada Deegaankaas, wafdigaas oo booqday jiida colaadu ka taagnayd isla markaana dhinaca Puntland waxa la sheegay inay Itoobiya ka dalbatay beelaha ka soo jeeda puntland inay ciidamadooda dib ugala baxaan dhulkaasi iyadoo sidoo kalena kuwa Somaliland Dib looga soo saaray.

Sida wararku sheegayaan Fariinta Itoobiya ugu yeeray Madaxwayne Silanyo waxa soo gaarsiiyay Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Maxamed C/laahi Cumar oo maalmihii u danbeeyay safar ku gaaray Dalka Itoobiya, laakiin si rasmi ah shaaca loogama qaadin in Madaxwayne Axmed Siilaanyo aqbalay kulankaas iyo in kale, halka u iminka madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole u ku suganyahay Adis Ababa

Sida la sheegay kulankani waxa uu hor dhac u yahay kulamo kale oo maalmaha soo socda lagaga hadlayo guud ahaan arrimaha Somaliya, oo lagu kala qabanayo Kenya iyo Maraykanka kuwaasoo ay dabada ka riixayaan Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay oo lagu doonayo in wax lagaga qabto Xaalada Cakiran ee Soomaaliya, kuwaasoo dhamaantood lagu wada martiqaaday