Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Mareykanka Oo Ku Yiri Cali Cabdala Hanka Isbadal-doonka Ha Beenoobo Hadaf-kaagana Ha Ka Leexan

Sunday - March 13, 2011

Dowladda mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay garab siin doonto dowladda Yemen uu madaxweynaha  ka yahay Cali Cabdalla saalax .. Safiirka safaaradda mareykanka ee wadanka Yemen ayaa sheegay xili uu la hadlaayay Telefashinka Shabakada Aljazeera in aysan suura gal aheyn in dowladda Yemen xiligaani ay ka garab dagalamaan kooxaha ka soo horjeeda amaanka iyo waliba nabadgalyadda wadankaasi Yaman

Hadalka safiirka dowladda mareykanka ee fadhiya wadanka Yaman ayaa ku soo beegmay xili uu madaxweynaha wadankaasi Yaman uu maalintii Khamiista ee la soo dhaafay ka hadlay in ay mucaaradka wada hadal ugu yeeren balse mucaaradka arrinkaasi kabiya diiden .. madaxweynaha ayaa sidoo kale goobta ka sheegay in ay u adeegsan doonaan mucaaradka shaabuuk iyo quwad militari oo u ka hortagi-doono sheekada isbadal doonka iyo ka beensheegida waxa ay qabatay dawlada ee horumara

Safiirka mareykanka ee Yaman iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada mareykanka ayaa soo dhaweeyay Cali Cabdala Saalax in uu u adeegsado mucaaradka quwad militari oo hanka mucaaradka beenoobo .. In aan yareyn oo shacbiga reer yaman ayaa soo dhaweeyey hadalka ka soo yeeraya Cali Cabdala Saalax halka inta badan soo ay kabiya diidan yihiin jiritaanka dowladda Cali Cabdala ee mudada dheer kursiga madaxtinimada ku fadhiday