Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ciidamadi Taageersana Korneyl Qadaafi Oo Dib U Qabsaday Magaalada Barayga

Monday - March 14, 2011

Ciidamada taabacsan Colonel Mucamar Al-Qadafi ayaa weerar culus ku qaaday magaalada Barayga iyagoo khasaaro badan u geystay maleeshiyaadka mucaaradka oo iyagu horey halkaasi u joogay.

Ciidamada Qadaafi ayaa adeegsaday gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan Taangiyo iyo waliba ciidamada Bada kuwaasi oo dhowr jiho ka soo galay magaaladaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaaladii ugu culsaa.

Dhanka kale Television-ka qaranka Libya ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya ciidamada daacada u ah Qadaafi oo wata baabuurta gaashaaman oo ku gaaf wareegaya wadooyinka waa weyn ee magaalada Barayga halkaasi oo uu Tv-ga ku sheegay in laga sifeeyeey waxa uu ugu yeeray calooshood u shaqeystayaal dalka dibadiisa laga soo abaabulay oo wada dargiista ah.

Magaalada Barayga ayaa 80 km ka xigta dhanka galbeed magaalada Ajdaabiya halkaasi oo maalin ka hor ay gacanta ku dhigeen ciidamada daacada u ah Qadaafi.

Guulaha dagaal ay gaareen ciidamda Qadaafi ayaa ku soo beegmaya xilli dalalka reer galbeedka oo kaashanaya jaamacadda carabta ay wadaan qorshe ka dhan ah maamulka madaxweyne Qadaafi.

Mareykanka, Britain iyo France ayaa soo dhoweeyey qaraarkii Wasiirada arrimaha dibadda 22 dowladood ee xubnaha ka ah Jaamacadda carabta ay isku waafaqeen in laga sameeyo dalka Libya goobo ka caagan duulimaadyada diyaaradaha.