Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

La Soco Af Somaaliga Cusub Si Aan Hadhow Lagu Oran Waa Doqon - Dhoore - Waji Kaaki - Khashiin

Monday - March 14, 2011

Sida la ogyahay sanad-kasta waxaa dhallinyarada Somaaliyeed isku afgartaan ereyo cusub oo la dhihikaro waxay af duubeen ereyadi caadiga ahaa ee sida tooska wax loogu cabiri jiray oo inta badan ay dhib ku tahay iney gartaan odayaasha iyo siiba dadyawga ka yimaada xagaa iyo qurbaha oo hadaladaas markay maqlaan khalkhal ku dhaco isla markaana si is-maan dhaafa u fahma ereyadaas ku soo dhaca oo dabadeed dhallinyaradaas ay ku tilmaamaan khashiin, sidaa ayaama Zamaanki hore qofkii aan wax fahmin lagu shaabadeyn jiray ereyga Ah Kan Waa Dhoore-Waa Garas Marooje-Waa karbaash

Hadaba waxaan halkaan idin ku soo gudbineynaa ereyo qaarkood oo Nadar Cabdulaahi Xaaji sanadkaan 2011soo aruuriyey

1- igu Lamabari ... Lambarkaaga ii Qor

2- igu Liq         ...  Warka ii Sii

3- Waa Baska Dambe  ... Waa carmal

4- Waan Ka Lushaa    ...  Waan Jeclahay

5- Cid Kale U Rarantahay  ... Mid Kaley La Wada

6-Waygu Jiq  ... Mobilka Iga Maran

7- igu Looxo  ... Lacag isii

8- Waan Tufay ... Waan Nacay

9- Waygu Jug  ... Meelbey iga Taala

10- Luuq Bu Ku Jira  ... Waa Xaas

11- igu ifi Caawa ... Aynu Kulano Caawa

12 - Biyaha Dahabka iga daa  ... Beenta iga Daa

13 - Way Tigtigantahay ... Waa Taharib

14- Jeebkiisa Qoslaaya ... Waa Oday

15- Lug bey aastay   ...  Way Guursatay

16- Tacsi baa U Taal  ... Waa Lala Guursaday