Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Qarax Kale Oo Ka Dhacay Nuclearka Dalka Jaban

Tuesday - March 15, 2011

Waxaa qarax kale uu ka kacay dab-dhaliyaha sadexaad ee xarunta nuclear uu dhulgariirku dhaawacay ee Fukushima ee dalka Japan, iyadoo qiiq badan uu cirka isku shareeray.

Xoghayaha golaha wasiirada Japan ayaa sheegay in ay yar tahay khatarta ah in qarax walaxa hydrogen-ka in ay keentay in shucaac uu ka soo dareero xarunta.

Wakaalada wararka ee Japan ayaa sheegtay in maydka laba kun oo qof la helay maanta deegaanada Miyagi ee waqooyi bari Japan .. Kun qof ayaa laga helay Ojika peninsula, kun kalena waxaa laga helay Minamisanriku oo ay wada bur burisay Tsunamigii dhacay dhul gariirka ka dib.

Wariyaha BBCda ayaa sheegaya in magaalooyin iyo tuulooyin badan ay go' doonsan yihiin oo aysan helin wax gar gaar ah tan iyo Jimcihii.

Shirkada maamusha xarunta nuclear ee Tokyo Electric power ayaa sheegtay in qaraxu uu wax yeelin konteenarka dab-dhaliyaha, waxaase goor dhow ay sheegeen in sadex qof ay dhaawacmeen iyadoo ilaa 7 qofna ay maqan yihiin.

Hase yeeshee, dadka deganaa meelaha u dhow ayaa loo sheegay in aysan guryahooda ka soo bixin iyadoo taas lagu tilmaami tallaabo digtoonaan ah.

Horay, ayaa Ra'iisul wasaaraha Japan, Naoto Kan ayaa sheegay in xarun quwadda nuclear-ka ee ku taallay Fukushima, taasoo uu dhaawac ka soo gaaray dhulgariirkii maalintii Jimcaha iyo Tsunami, in uu wali ku sugan yahay xaalad laga digtoonaado