Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Sugay In Somaaliya Ay Tahay Wadan Qura

Tuesday - March 15, 2011

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa caawa fiidkii Kulan balaaran oo ay ka yeesheen xaaladda waddanka Soomaaliya waxay ka soo saareen go’aano aad u farabadan isagoo golaha ammaanku ugu baaqay Dawladda TFG-da ee Shariifku in shanta bilood ee uga harsan wakhtigooda oo ku beegan Bisha August ay ku soo diyaariyaan Dastuur Qarran oo Dalka Soomaaliya oo dhan qaybaha ka jira lagu midaynaayo.

Kulankaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hadal ka jeediyey safiiradda 15 dawladood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka tirsan waxaa sidoo kale hadal dheer ka jeediyey Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo isagu shirka Soomaliya u matalayey.


Ugu horayn shirka waxaa la soo hor dhigay warbixin uu soo diyaariyey Wakiilka Xoghaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Mahiga waxaana madasha furay Guddoomiyaha golaha ammaanka oo ah Safiirka golaha ammaanka u fadhiya dalka Shiinaha oo bishani isagu ah shir guddoonka golaha Ammaanka Ambassador Li Baodong, Safiirku wuxuu golaha horteeda ka akhriyey Warbixin dheer oo ku riixaysa ama ku cadaadinaysa Nidaamka Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya inay balaariso siyaasadooda dibu heshiisiinta iyo isku keenista Soomaaliya isagoo Ambassador Li Baodong ku nuux nuuxsaday in taasi lagu heli karo iyadoo masuuliyadda koobaad ee TFG-du ay tahay inay diyaariso Dastuurkii Soomaaliya kaga bixi lahayd nidaamka ku meel gaarka isla markaana wuxuu u soo jeediyey TFG-du inay diyaariso qorshayal wax ku ool ah oo wax lagaga qabanayo baahiyaha dhaqaale ee dadka soomaalida haysta.