Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Kaniisad Shaqaaleysay Imaam Muslim Ah Oo Ku Xeel Dheer Aqoonta Shareecada Islaamka

Tuesday - March 15, 2011

Stockholm: Kaniisada lagu magacaabo Sofia ee ku taal magaalada Stockholm ayaa shaqaaleysay imam Muslim ah oo shaqadiisa noqoneysa in uu ka shaqeeyo xiriirka u dhexeeya Kaniisada iyo Muslimiinta .. Imaamkaan oo lagu magacaabo Othman Al Tawalbeh kana soo jeeda dalka Jordan ayaa ah khabiir ku takhasusay Islaamka iyo shareecada.

Kaniisada ayaa sheegtay in ujeedada loo shaqaaleysiiyay imaamka ay tahay in uu soo bandhigo Islaamka saxda ah oo uu ka hor tago necaybka iyo been abuurka laga sameeyo Islaamka sida in gabdhaha lagu khasbo niqaabka.

Qaar ka mid ah baadariyiinta Kiristaanka ayaa cambaareeyay imaamka lagu soo daray kaniisada Sofia ayagoo sheegay in aysan habooneyn in imaam Muslim ah uu dhex fadhiyo kaniisada maadaama farqi weyn u dhexeeyo Islaamka iyo Kiristaanka ayagoo intaas ku daray in waxyaabaha sida in gabdhaha lagu khasbo niqaabka aysan ahayn been abuur balse tahay xaqiiqo.

Ninkan ayaa u muuqda mid weerar badan kaga soo wajihi doono dhinacyo badan oo ay ku jiraan bulshada Muslimiinta ayadoo aan la fahmi karin sababta uu imam Muslim ah uga shaqeynayo kaniisad iyo inuu ka horyimaado niqaabka.

Mustafe Haji Bin.. Stockholm