Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Ururka SSC Oo Qorsheynaya Iney Dagaal Ku Soo Qaadaan Lascaanod

Wednesday - March 30, 2011

Lascaanod: Xog ay heshay shabakadaan Galdogob Times ayaa sheegaya iney jiraan qorshe meleeshiyo beeleedka SSC ay ku doonayaan iney ku weeraraan meelo ka tirsan gobolka Sool .. Ku xigeenka hogaanka maleeshiyada SSC Cali Sabaray iyo qaar ka mida masuullinta hoos yimaada ayaa maanta gaaray magaalada Boocame taaso ay degaanka kaga dalbadeen rag ka qayb qaata weerarka lagu xoreynaayo magaalada  Lascaanod.

Cali Sabaray oo ah ku xigeenka SSC ayaa sido kale sheegay iney maamulo u sameyn-doonaan degaanada hoos yimaada gobolka Sool, kuwaasi oo u carabka ku dhuftay degaanada Boocame, Tukaraq iyo Kala Beyr.

Wararka hoose oo kale aan heleyno ayaa iyagana sheegaya iney jiraan weeraro ay isu diyaarinayaan guuto meleeshiyo SSC taaso ay ku doonayaan iney weerar ku qaadaan degaanada Wirwir iyo qaar ka tirsan Nugaasha Sool, isla markaa waxaa warku intaa ku daraya oo laga helaayo ilo ku dhow hogaamiyaasha SSC in qorshaha dagaalka u mar hore ahaa in la qaado, balse ay carqaladeeyeen Rag kharaj lagu dabay oo ka tirsan Ururka oo u goostay dhinacaa iyo Hargeysa iyo beelo qaatay wada hadal lala galo beelaha degaanadaas wada dega, waxayse sheegeen hogaamiyaashaas SSC in wax kasta oo carqalado ay iska jiraan hadana qorshaha dagaalka ma aha mid hakanaya