Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Maamulka Allasana Quatara Oo Sheegay In Ay La Wareegeen Goobo Ay Gacanta Ku Hayeen Ciidamada Gbogbo

Tuesday - April 5, 2011

Afhayeen u hadlay Xukuumada ay reer galbeedku taageersan yihiin ee Ivory Cost ayaa sheegay in ay la wareegeen goobo ay horay gacanta ugu hayeen Ciidamada taabacsan madaxweynaha looga guulaystay doorashada ee Loran Gbagbo.

Patric Atshi oo u hadlay Dowlada Allasana Quatara ayaa sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen Aqalka madaxtooyada Abidjan,iyadoona maalmihii aynu soo dhaafnay ay dagaalo xoogan halkaasi ka socdeen.

Patric waxaa uu sheegay in aanu haatan sheegi Karin in uu Gbagbo ku jira dhismaha iyo in kale,laakiinse uu cadayn karo oo kali ah in ay Ciidamadooda si rasmi ah ula waregeen inta badan dhismayaasha dowlada ee Abidjan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Loran Gbagbo,gaar ahaana ku aadan guusha maamulka Allasana Quatara ka sheegtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta wadankaasi Ivory Cost Abidjan.

Diyaaradaha dagaalka Ciidamada Faransiiska ayaa ka qayb qaatay duqayno xoogan oo saacadihii aynu soo dhaafnay lagu garaacayay aqalka Madaxtooyada oo la aamin sanaa in uu Loran Gbagbo ku jiro.

Xaalada wadanka Ivory Cost ayaa ah weli mid sii xumaanaysa,iyadoona tirada rayidka dhimanaya ay sii kordhayaan.