Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Nabadoon Saalax Cabdisalaan Axmed Oo Xalay Bistoolad Lagu Dilay

Wednesday - April 6, 2011

Boosaaso: Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay kooxo ku hubaysan bastoolado ay degaanka Biyo kulule ee magaalada Boosaaso ku dileen nabadoon Saalax C/salaan Axmed oo ka mid ahaa odoyaasha Puntland ee qiimo iyo qaayo ku lahaa.

Oday Saalax ayaa la sheegayaa in la dilay xilli uu ka soo baxaayay salaadii Maqribka masjid degmadaasi ku yaala, wuxuuna sheegay gudoomiyaha Gobolka Bari in sidoo kale rasaasta haleeshay dad isla goobta ka agdhawaa oo iyaguna masjidka ka soo baxay.

Sida gudoomiyaha gobolka Bari u ku wargaliyey shicibka Boosaaso waxaa socda baaritaano ay wadaan amniga Puntland oo la doonaayo in lagu helo cidii falkaasi ka dambaysay, waxaana ciidamadu ay halkaasi soo gaareen xili dilkaas dhacay kadib, laakiinse eedeysanayaashi falka geystay ay goobti ka baxsadeen..

Sida laga warhayo waxaa maalmahaan dambe ku soo badanaayay gobolka Puntland dilka dadka magaca ku leh bulshada dhexdeeda, waxaana hadda dadweynaha ka dhex socota huruuf iyo gocosho loogu baaqayo in wax laga qabto aafada iyo shidada dhagareed ee ku si kordheysa degaanada Puntland.