Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Nabi Ciise Oo Nin Wax Xaday Dhaar Ka Rumeystay

Thursday - April 7, 2011

Soo Diyaariye Axmed C/samad;  Bukhaari iyo Muslim baa ka wariyey Abuu hureyra inuu nabigu (scw) yiri: “ wuxuu arkay Ciise – ina Maryamo- nin (wax) xadaya, markaas buu ku yiri: miyaad xaday?. Wuxuu yiri: maya, Allihii isaga mooyee aan ilaah kale jirin baan ku dhaartaye. Markaas buu yiri Ciise: Alle ayaan rumeeyey, ishaydana waan beeniyey”.

                                        Faa’iidooyinka Qisada

1. Hubsiimo hal baa la siistaa. Nabi Ciise isaga oo indhihiisa ku arkay ninka wax xadaya ayuu weydiiyey: ma xaday?. Samankaana qof aan sabab lagu tuhmo jirin baa dambi la saaraa, lagu xukumaa, laguna fuliyaa iyada oo aan la weydiin war ma samaysay!.
2. Ilaahay wuxuu addoomadiisa ka mudanyahay inay weyneeyaan, ayna qadariyaan oo aysan si been ah ugu dhaaran.
3. Nabiyaasha iyo addoomada Ilaahay ee suusuuban Rabbigood aad bay u weyneeyaan, umana quuraan in loogu dhaarto been ama lagu xuso waxaan xaq ahayn; sidaa dareteed nabi Ciise ninkii wax xaday dhaartiisii wuu u rumeeyey weynanta Rabbigiis darteed. Nabi Ayuub-na markii uu arko labo nin oo murmaya, Rabbina soo hadalqaadaya intuu gurigiisa ku noqdo ayuu ka kafaaro-gudi jirey, isaga oo diidan in Alle lagu xuso wax aan xaq ahayn.
4. Qisadu waxay muujinaysaa sida loogu xeeldheeraanayo rumaynta qofkii Alle ku dhaarta, haddii aysan jirin wax kale oo burinaya.
5. Magaca Alle oo lagu dhaarto waa waxa u dambeeya ee ay tahay in muslimiintu isku aaminaan ama ku kala qancaan, dad badanse waxaa magaca Ilaahay kala weyn qoodha iyo xerada ama xila-furka; sidaa darteed dadka qaarkood way ku dhiirradaan inay Alle magiciisa been ugu dhaartaan, mase oggola inay qoodhooda iyo xeradooda maraan ama arrinta ay sheegayaan ku xila-furaan runimadeeda, halka kuwa ay is hayaana aysan kaga qancayn ilaa ay qoor iyo xero maraan ama xila-dalaaqaan!.
6. Qofkii ciqaabta adduun uga fakada dhaar been ah ama la waayo cid ku caddaysa xaqii lagu lahaa ama xaq cid kale ku lahayd ku qaata dhaar been ah aakhiro kuma fakanayo; waayo waxaa ku markhaantifuri doona carrabkiisa, gacmihiisa, lugihiisa, maqalkiisa, araggiisa, maqaarkiisa, meeshii uu falka ku sameeyay, kitaabkii malaa’igtu camalkiisa ku qortay, Alle weynana waa ogyahay, ugu dambayna isaga ayaa qiran doona wuxuu gaystay.
7. Hadafka diintu maaha in dadka la ciqaabo iyo in dabino ay ciqaab ku mutaan loo dhigo midna ee ujeeddada ciqaabta loo jideeyey waa inay dambiilayaasha iyo dadka kaleba ka celiso dambiyada, adduunkana lagaga jaro waxay gaysateen; si ay ciqaabta aakhiro uga badbaadaan.
8. Waxaa kale oo aan sharcigu oggolayn in dadka la basaaso ama ceebohooda la baarbaaro; si dambi loogu helo, waxaana la isku boorriyey in muslimka ceebtiisa la asturo, haddana xaalku wuxuu marayaa in muslimiinta ceeb aysan lahayn dusha laga saaro!.
9. Qisadaan waxaa loo daliishaday in xadka (ciqaabta faldambiyeedyada) lagu difaaco shubhada, taas oo macneheedu yahay: haddii aan caddayn la hayn, meeshana wax mugdi ah ku jiro in aan dadka lagu qaadin ciqaabta faldambiyeedka lagu tuhmay.
10. Waxaa kale oo loo daliishaday in aan garsooruhu wax ku xukumayn xogta isagu uu ka hayo arrimaha qofka lagu eedeeyay ... By A.C/samad Alwaqaar @hotmail.com