Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Khilaaf Madaxa Daaliyey Oo Hareereeyey Wadaadada Azharka Iyo Salafiyiinta Cusub

Thursday - April 7, 2011

Wargesyada dhawaanahaan ka soo baxa dalka masar sida Al-ahraam iyo al-jamuuhriya ayaa aad wax uga qoray guluf colaadeed oo dhawaan ka dhex aloosmay Wadadaada Azharka Masar iyo kooxo salafiiyiin ah, oo iyagu beryahaanba si olola ah loogu eedeeyey iney ku hawlanyihiin siriqda dacfaruurida iyo majaxaabada kacdoonki 25kii bishi Janwari ee ka curtay dalka Masar.

Qorayaasha wargeysyadaas oo xiganaaya culimada Azharka ayaad mooda iney ka careysanyihiin kana didsanyihiin qodqodka iyo xaalad abuurka cusub ee kooxo salafiiyiin ah dhawaan si macno daro ah isku maqiiqay fagasho iyo baduug dhawr Qabuuro oo ay ku aasanyihiin culimo iyo mashaiikh dadka Masaarida ay qadariyaan, oo sida ay sheegeen wargesyadu noqonkarta fitno naar afuuf lagu xagal daacinaayo amaanka dalka Masar, waxayna tilmaameen in daab gacan shisheeye aysan marna ka mrneyn falalkaan ay qaadeen salafiyiinta cusbi, mase ay xusin haybta dawlada u il jabisay, walow jariidada Al-jamhuuriya ay mar ka sharqamisay in dadweyne ka muraara-dilaacsan falalkaas ay tageen safaarada Sacudiga ee Qaahira ay kaga codsanayaan in kharajka iyo lacgta laga joojiyo Salafiyintaas hagardaamada wada .. Cinwaanada wargeysyada ayaa ahaa: Maxay yihiin Salafiiyinta cusub, maxayse la doonayaan masar iney noqoto? Dagaalkii Azharka Iyo Salafiyiinta ma bilawday? waxayna carabka ku dhufteen oo yiraahdeen Salafiyiinta cusub kaalin kuma ay lahayn kacdoonkii lagu riday Madaxweynihi hore Xusni Mubaarak oo waxay ku iftoodeen in weli-amriga la xag-xagto amase lagu mudaharaado ay xadgudub tahay mar haddi u salaada tukado, waxay kalo ku eedeyeen in doorashooyinka wadanka ka dhici-doona ay u arkaan mid shara khilaafsan maamuuska shareecada islaamka

Wargeyska al-jamhuuriya isagoo warkiisa si wata waxuu yiri Salafiyada waa manhaj lagu fahmo Quraanka iyo Sunada siiba salafkii umaddi hore oo ugu horeyo nabigeeni Maxamed SCW iyo asxaabti waqtigi Nabiga, laakiin markasta khilaaf ayaa ka taagnaa

waxay inta badan soo daahiraan waqtiyada masiibooyinka dhacaan oo ay is yiraahdaan ka faaiideysta 

waxayna qoraalada wargeysyadaas cinwaanda uga dhigeen Maxay yihiin Salafiyiinta? maxayse la doonayaan Masar iney Noqoto? waxayna waa sida aragtidooda ahe ku sifiyeen salafiyiinta cusub kuwa had iyo jeer duruufha qalafsan soo shaac baxa oo qulqulaatada sheekooyinkooda markii ugu horeysay ay soo baxday Waqtigi Dawladi Cabaasiyiinta ee muranka la galiyey Quraanka waa la abuuray iyo lama abuurin taqaso imaamkii weyna Axmed Bin Xanbal lagu dhibaateeyey.