Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Rag Somaaliyeed Guur-doon Ah Oo Ku Sii Qulqulaya Wadanka Hindiya

Friday - April 8, 2011

Waxaa Mudooyinkii danbe Dalka Hindia ku sii qul qulayay rag Soomaaliyeed oo guurdoon ah kuwaa oo ka kala tagay Wadamo badan oo ku yaala Qaarada Afrika Asia Yurub iyo waqooyiga Ameerika si ay ugu soo aqal galaan Dalka Hindia .

Raga ugu badan ee Guur doonka ah ayaa ka taga wadamada Yurub iyo Ameerika si ay Dalka Hindia ugu soo guursadaan Haweenka u dhashay Dalkaasi oo la sheegay in uu guurkooda aad u jaban yahay ilaahna qurux ku maneestay iyo dabacsanaan gaar ah oo lagu amaano haweenka Hindia walow kuwa Soomaaliyeedna dhinaca quruxda aysan ka liidan haweenka Hindia.

Guursashada Haweenka Muslimka ah ayaa la sheegay in Dalka Hindia ay aad uga sahlantahay iyadoo la sheegay Deegaanada qaar in nin walbo uu gabdhiisa ku soo bandhigayo si aad u guursato wax xoogaa nooli ahna uu kaga helo.

arintan ayaana waxaa dalaal ka ah rag iyaga ku nool Dalkaasi Hindia oo u raadiya raga Calaf Doonka Ama Guurdoonka ah ee yimaada Dalkaasi kana qaata wax xoogaa Shilimaad ah una soo dhameeya gabdho qurux badan oo Islaam ah waxa mararka qaar dhacda in Ninkii ay u joogaan gabdho uu ka naadiyo Masaajida si loo guursado gabadhiisa .

Waxaa jira Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tagay Dalka Koonfur Afrika halkaasna u tagay in ay soo guursadaan, waxaana la sheegaa in indho daraan dar ka qaadeyso haweenka markii siyaabo kala duwan laguugu soo bandhigo ayna yihiin kuwa qurux iyo dagnana ilaah ugu deeqay .

Raga qaarkood ayaana ka cawday in wax loo hoos galiyay taas ay ula jeedeen in haween loogu sheegay in ay gabar tahay aysan noqon sidii ay ka rabeen ama ay hishiiska ku galeen lacagna kaga baxaday xaaladana ay aad ugu xumaatay ugana niyad jabeen qaar ka mid ah haweenkaasi oo garoob ku noqda .. Qaar ka mid ah raga Guurdoonka ah ayaa markii ay ka soo tageen haweenkii ay guursadeen aan dib danbe u xariirin ugana laaban Dalka Hindia halkaasia xariirka uga jareen kadib markii ku eedeeyeen in lagu khiyaamay guurkaasi sidii ay rabeena ay noqon weysay .

Waxaa iyana arintaasi cabasha xoogan ka keenay raga dalalaaliinta ah ee arintaasi soo dhameeyay iyo qaar ka mid ah ardayda Dalkaasi wax ka barata kuwaas oo sheegay hadii ninka guursada gabar uusan dib u soo noqon in ay ehelada gabadha ay iyaga qabsanayaan maadama ay iyaga ay dalka joogaan iyagoona kala kulma dhibaatooyin aad u xoogan.

Si kastaba arimahan ayaa ka danbeeya in ay raga Guurdoonka ah aadaan Dalka Hindia arima la xariira Haweenka Soomaaliyeed oo guurkooda uu ku adkaaday wadamada qurbaha iyadoo rag badana ay dhibaatooyin xoogan kala kulmeen markii ay guursadeen taa oo isugu jirta dhanka kharashka iyo dhinacyo kale.