Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Khilaaf Ka Dhex Aloosan Golaha Sare Milatariga Sidi Laga Yeeli-lahaa Madaxweynihi Hore Ee Mubaarak

Sunday - April 10, 2011

Qaahira- Wargeyska Al-shuruuq ee ka soo baxa dalka Masar ayaa cadadkiisi Sababtida soo qoray markii u horaysay in khilaaf uu ka dhex taagan yahay golaha ciidamada dalka Masar kaas oo la xiriira sida uu ku damaynayo madaxweynihii  jagada laga tuuray ee dalka Masar Xusni Mubaarak

Waxaa wargeysku sheegay in saraakiisha ciidamadu ay isku khilaafsan yihiin suurta galnimada in madaxweyne Mubaarak uu dibeda ugu ambabaxi karo safar caafimad iyo inkale, waxa wargeyska Al shuruuq uu daboolka ka qaaday in golaha sare ee ciidamada dalka Masar uu  ka helay dal ka mid ah dalalka Khaliijka balan qaad dhaqaale aad u badan oo la siinayo hadii uu goluhu u soo saaro Xusni Mubaarak iyo qoyskiisa cafis loo cuskanayo xaaladiisa caafimaad

Wargeyska Al shuruuq oo arrintaas sii faah faahinaya ayaa waxa uu sheegay in balan qaadka dalkan Khaliijigi ah uu ku jiro in Xusni Mubaarak laga cafiyo in la hor keeno maxkamad iyada oo la eegayo waayeel nimadiisa iyo caafimaad xumidiisa iyo qoyskiisa oo  la la cafiyo maadaama uu oday ka yahay qoyskan, kana mid yahay saraakiishi dagaalamay xiligi October ee xoreeyey khdkii Baarleef

Waxaana wargeysku sheegay in dhaqaalaha loo  balan qaaday golaha ciidamada uu ku filan yahay bixinta daymo fara badan oo dibeda lagaga leeyahay dalka Masar

Hadaba wargeyska Al shuruuq oo ka soo xiganaya il wareed u dhaw golaha ciidamada ayaa waxa uu sheegay in golaha ciidamadu ay ka cudur daarteen in ay aqbalaan balan qaadkan ay soo ban dhigtay mid ka mid ah dalalka Khaliijka, waxana uu sheegay in hadii ay dhacdo arrintani ay dhega faar ku noqonayso rayi caamka Masaarida

Waxana wargeysku sheegay in il wareedkan uu markii dame sheegay in arrintan go’aankeeda aan la qaadan karin in ay cadaato in rasaastii lagu furay banaan baxayaasha xilligii kacdoonka aysan ahayn amaro uu shakhsi ahaan bixiyay madaxweyne Mubaarak

Qaar ka tirsan warbaahinta Masaarida ayaa iyagu waxa ay sheegeen in dawlada Boqortooyada Sucuudigu ay tahay dawlada Khaliijka ee soo bandhigtay dhaqaalahan faraha badan ,waxayna intaas ku dareen in weliba ay ku han jabtay in hadii Xusni Mubaarak la maxkamadeeyo ay maal gashigeeda dalka Masar dib ugula bixi doonto isla markana ay dalkeeda ka cayrin doonto in ku dhaw laba malyan shaqaale Masaari ah oo ka shaqeeya Sucuudiga

Wargeyska Al shuruuq ayaa waxa uu sheegay in golaha ciidamada Masar saraakiil ka tirsan ay leeyihiin (Ma fish Daci Nubahdil Al Rajul fi Akhiri Ayaamihi) oo macnaheedu yahay ,wax qasbaya mar jiro in ninkan la bahdio ayaamihii u dameeyay ee cumrigiisa iyo saraakiil kale  oo dhahaya( Dii Mumkin Yatasabab Fi Qadabin Waa Sic) oo macnaheedu yahay tani waxa ay keeni kartaa caro ballaaran

Hadaba warkan uu soo shaac bixiyay wargeyska Al shuruuq ayaa yimi maalin kadib markii uu banaan bax aad u balaaran ka dhacay fagaaraha Al taxriir ee bartamaha magaalada Qahira, kaas oo ay banaan baxayaashu ku dalbanayeen in la de dejiyo maxkamadaynta Mubaarak iyo qoyskiisa iyo raggii kale ee la shaqeeyay kuwaas oo lagu soo eedaynayo denbiyo ay ka mid yihiin xoolo lun- sasho,waxayna banaan baxayaashu ay Jimcadii ku han jabeen in ay banaan baxooda u wareejin doonaan magaalada Sharma Sheekh halkas oo uu degan yahay Mubaarak iyo qoyskiisuba hadii aan laga aqbalin dalabkooda la xiriira maxkamadaynta Mubaarak iyo qoyskiisaba."