Gaarigi Gudoomiyaha Gobolka Laascaanood Oo Qarax Lala Beegsaday
Wednesday - April 20, 2011
Laascaanood: waxa maanta duhurkii lala beegsaday qarax Miino gaariga Gudoomiyihi Gobolka Laascaanood oo uu saarnaa ku-xigeenkiisa iyo istaafkiisa ilaa hada wax khasaare ah lama soo sheegin inkasto gaariga u burbur soo gaaray iyado la hadal hayo in dhaawac fuduud u jiro.
Warku waxuu intaa ku daraya in miinadan oo nooceedu ahaa tan dhulka lagu Aaso ay gaariga ku qaraxday mar uu gudoomiya ku-xigeenku u socday gurigiisa, waxaanu qaraxii Miinadu gilgilay magaaladda oo laga maqlaayey inta badan xaafadaha
Ciidamada Booliiska oo hubeysan ayaa goobta gaaray waxaanay bilaabeen baaritaan hase yeeshee ilaa hada lama soo sheegin cid ay u hayaan qaraxaasi