Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Cali Maxamed Cali Agaasimihi Hore Waxbarashada Somaliland Oo Lagu Xiray Magaalada Washinton

Sunday - April 24, 2011

Washinton: Xigasho Togdheer News: Agaasimihii hore ee wasaarada Waxbarashada Somaliland Cali Maxamed Cali aya lagu qabtay Madaarka Dulles International Airport oo u dhaw magaalada Washigton, waxaana loo xiray inuu ku lug lahaa falal burcad badeednimo.

Cali Maxamed Cali ayaa waxa lagu eedeynayaa inuu turjumaan u ahaa kooxo Budhcad badeed ah kuwaas oo sanadkii 2008-dii bishii November 7-deedii qafaashay markab laga lahaa dalka Dernmark kaasi oo u rarnaa shirkad laga lahaa dalka Maraykanka oo ka shaqaysa arrimaha Dhismaha  Engineering-ka oo ku taala Magaalada Houston lana yiraahdo McDermott International Inc.

Mr Cali Maxamed Cali ayaa waxa la sheegay in wakhtigaa uu u kala turjumay Burcad badeedii iyo Mulkiilayaashii markabka ka dib inta uu markabkii ku dagay sheegay in 7-Million oo madax furasho ah ay bixiyaan.

Waxa kale oo la sheegay in ka dib markii u Burcad la siiyay 1.7-Milyan ay siidaayeen shaqaalihii saarnaa oo 13-qof ahaa kuwaas oo laba bilood afduub ugu xirnaa Burcad badeeda.

Waxa sidoo kale oo la sheegay in Cali Maxamed Cali oo maalintii arbacada la qabtay la soo taagi doono Maxkamada Maalinta Salaasada ah kaas oo hadii danbigaasi ku cadaado laga yeebo inuu xabsi daa’in ku mutaysto.