Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

TV-gii Aljazeera Oo God Habaaran Ku Sii Siqaya Markay Iska Casileen Weriyaashi Hal-doorka Oo Dhan

Wednesday - April 27, 2011

Madaxii xafiiska TV Aljazeera ee magaalada Beyruut Qasaan Bin Jedo ayaa gudbiyay is casilaadiisii, wararku waxa ay intaa ku darayaan in Qasaan uu si weyn uga xumaaday habka TV Aljazeera u tebinayo kacdoonada ka taagan dalalka Libya iyo Syria isaga oo ku eedeeyay TV-ga Aljazeera inuu ka baxay dhex dhexaadnimadii horay loogu yiqiin uuna baahinayo barnaamijyo sii hurinaya colaadaha ka taagan dalalkaas

Waxana uu tilmaamay in ay Aljazeera ay noqotay dhinac ka mid ah dhinacyada ku lugta leh qalalaasaha ka taagan dalalkaas

Waxana sidoo kale cabashadan mid la mid ah darteed TV-ga Aljazeera isaga casilay weriye caan ahaa oo telivishanka u soo jiiday inuu sumcad weyn ku lahaa caalamka sida Xaafid Almirazi oo ahaa madaxii Aljazeera ee Washington, Cabdulcasiis Cabdul Qani madaxii Aljazeera ee Qahira,Yusri Fawda oo soo gudbin jiray barnaamijka "Siriyo lil qaaya" Yusuf Sharif oo ahaa madaxii xafiiska Jazeera ee Istanbuul, Akram Khazam oo isaguna ahaa madaxii Jaziira ee Moscow iyo weliba gabdhihii weriyaasha aha ee kala ahaa Jimana Numuur,Lawna Shabli iyo Libna Zahri Diin

Hadaba waxaa tuhunka Aljazeera uu sii xoogaysay kadib markii jamhuurkii ku xirnaa ay muddo saddex bilood ah ay meesha ka waayeen barnaamijyadii ugu muhiimsanaa ee ay Aljazeera caanku noqotay kuwaas badelkeedna ay gelisay diirad saarka kacdoonada ka jira dalalka Carbeed

Hadaba barnaamijyadii lagu bedelay kacdoonada carabta waxaa ka mid ah Itijaah Almucaakis oo soo gudbin jiray Faysal Alqasim, Bilaa xuduud oo uu soo gudbin jiray Axmad Mansuur,Alshareeca wal xaya  sheekh Yusuf Qardaawi iyo Min washinton waxana soo gudbin jiray Cabdiraxiim Fuqara

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Qasaam Bin Jeddo ay soo gaareen codsiyo kala duwan oo la xiriira ku soo biirida xarumo kale oo warbaahined oo ilaa iminka aan la cayimin,balse waxa jira warar sheegaya in laga yaabo inuu hormuud ka noqdo TV cusub oo dhowaan la hirgelin doono kaas oo tartan dhinaca warbaahinta ah la geli doona TV Aljazeera."