Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dhinacyadi Wax Kala Gaareen Oo Isu Xuurteynaya Qabanqaabo Gogol Maslaxo Raadis Ah

Thursday - April 28, 2011

Gaalkacyo: illa xalay iyo maanta Wararka noga imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid la orankaro waa daawo iyo samata-bixin lagu reysto, oo sheegaya in ay hadda socoto abaabul madax dhaqmedyada Ooda wadaaga oo ay isla kaashanayaan ergo ka timi dhinaca Xukumada Puntland, waxaana laysku afgartay in la qabto gogol kulmisa dhinacyada wax kala gaareen iyo inta dooneysa xoojinta in nabad ay halkaas ka dhacdo,.

Shirkaaso sida la sheegay ujeedadiisa guud ay tahay in wixii dhacayba wa dhaceen waase in aanay halkaas dhaafin ee lagu horjoogsado si xaq ahna arimaha loo kala guro iyado kalsoonidi nabada iyo wada nolaanshihi dib loo soo celiyo iyo in la helo mushkilada meesha ay ka soo burqaneyso, isla markaana la helo talada ugu dhaw ee dhibaatadaan wax looga qabankaro.

Sida warka lagu helaayo shirkaas oo qodobada aragtidaas ka ambaqaadaya ayaa saacadaha soo socda ka bilaaban-doona halkii iyo goobti laysla garto, waxayna dhinacyada wax kala gaareen  afkooda u badinayaan in lagu khasbanyahay in dagaaladaas la soo dabar go'yo, oo Wixii aan la huri-doonin waa nabade hore loo yeelo, waayo ayey yiraahdeen wixi dhacay wax laga dheefay ma jiraan oo aan ceeb ahayn.