Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxi Hore Ee CIA General Michael Hayden Oo Yiri Dhicitaanka Qadaafi Waa U Darantahay La .....

Friday - April 29, 2011

Madaxii hore ee wakaalada Basaasiinta CIA sanadadi 2006-2009 ee dalka Maraykanka General Michael Hayden ayaa mar shalay wax laga weydiiyey Liibiya uu warbaahinta u sheegay inuu aaminsan-yahay in dhicitaanka madaxweyne Qadafi uu adkayn-doono la dagaalanka argagaxisda caalamiga ee ay hormuudka ka tahay dawlada Maraykanka waqtiga dhaw.

Jeneraalku waxa uu sheegay in madaxweyne Macamar Qadafi uu si wayn u la shaqayn jiray dawlada Maraykanka siiba la dagaalanka argagixisada iyo dhaqdhaqaaqa warbixintooda Bariga Dhexe in badana guulo laga gaaray

Waxaa sarkaalkani intaa ku daray in CIA ay xiriir wada shaqayneed oo wanaagsan ay la yeelatay madaxweyne Qadafi iyo wasiirkiisii hore ee arrimaha dibeda Musa Kosa ee isagu iminka ka falaagoobay madaxweyne Qadafi