Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dilalka Laascaanood Ka Dhacaya Oo Somaaliland Ku Furtay Jaho Cusub Oo Daganaasho La'aan Ah

Saturday - April 30, 2011

Laascaanood: Rabshadaha ka jira magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa cirka isku si shareeray, iyado oo ay magaalada ka dhacayaan shirqoolo abaabulan oo lala beegsanaayo siyaasiyiin iyo saraakiisha ciidamada ku sugan halkaas.

Shaqaaqooyinka ka jira magaalada Laascaanood ayaa noqday qaar u dhacaya si joogta ah, waxaana habeenki xalay bartamaha magaalada fara cididood kaga badbaaday weerar la doonayey in lagu khaarijiyo taliye ku xigeenka ciidanka Birmadka gobolka Sool Jaamac Muuse Cawad oo u soo gaaray dhaawac culus, iyadoo ila hadda si rasmi ah loo xaqiijin kooxaha ka dambeeya falka amaandarada ah ee cabsida ku abuurtay dadweynaha Laascaanood.

Masuuliyiinta xukumada Somaaliland waxay horay u ballanqaadeen iney ay soo af jari-doonaan  rabshadaha ka aloosan guud ahaan gobolka Sool oo xaaladiisa amaanku ka si dareyso maalinba maalinta ka dambeysa, laakiin hadda ma jiro wax horumar ah oo ay madaxda Gobolka ka sameeyeen sugida amaanka, iyagoo jahawareer ka qaaday in ay ogaadaan cida ka dambeysa weerarada ka dhaca magaalada laascaanood.

Dhanka kale dhaaawaca taliyaha ku xigeenkii ciidanka Birmadka Sool Jaamac Muse Cawad oo xalay loola carary magaalada Burco,ayaa la geeye isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa si loogu daaweeyo, iyadoo la sheegay in dhaawaciisu culusyahay oo u baahanyahay qallin lagu sameeyo waa sida ay xaqiijiyeen qaar ka mida eheladiisa oo ku sugan magaalada Hargeysa.

Amaanadarada ka jirta Ggobolka Sool ayaa ah xaalad murugsan oo dhakafaar ku ah xukumada Madaxweyne Siilaanyo iyo ujeedada ka dambeysa falalkaas dhacaya,taaso dalkaas ku furtay jaho cusub oo daganaasho la'aan ah oo khalakhal galinkarta nabadgalyada ka jirta Somaaliland.