Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Dalka China Oo Sameeyey Madfac Biyo Ah Oo Dabka Damiya " Cannon Water"

Sunday - May 22, 2011

Dalka China ayaa soo bandhigay bishii janaayo ee sanndakan 2011 gaadiid cusub oo ah nooca dab damiska ah  oo xambaarsan madfac ay ka dhacayaan biyo cufan oo aad u xoog badan (Canon water) qaarkoodna waxa ay ugu yeedhaan (turbo jet powered fire truck).isagoo loo hindisay in uu afuufo biyo badan oo ku socda xawlli oo damiya qalabka caawin kara dabka iyo hawada hurisa dabka ee ku wareegsan goobka gubanaysa .

Mishiinka markii hore waxaa loo hindisay in lagula dagaalamo qiiqa dhismayaasha ka kooban 50dabaqadood iyo in lagu damiyo dabka xad dhaafka ah ee ka dhex kaca xafiisyada iyo daminta dabka ka holca ee qabsada cimaaradaha caadiga ah, laakiin markii dib u habayn lagu sameyey ayaa laga dhigay madfac biyood (Cannon water) oo gaadhi kara dabaqyadda jooga dheer leh ee ay adag tahay sida lagu gaadho ee loo damiyo, hadaba qalabkani waxa uu meesha ka saarey saddexda arimood ee wakhtiga ka lumiya ciidammadda dab damiska oo ah sidan:-

1.Salaanka dhulka la dhigo ama gadiidka saaran ee dab damiska ( Ground lader ) oo wakhti ka lumiya
2. Rakibaada tuumbooyinka badan ee biyaha
3. Daminta dabka oo qaata wakhti

Madfacan waxa uu wareegi karaa xagasha 360 isagoo halkii daqiiqaba soo butaacinaya 4000 litre oo biyo ah ama 20 foosto (fuusto )waxaana uu gaadhsiin karaa biyaha masaafad dhan 120metre , inkastoo ay jiraan gaadiid kale oo dab damisa oo halkii daqiiqaba ay ka baxaan 20,000 oo liter oo biyo ah , laakiin waxa ay isticmalaan tuumbooyin badan , laakiin qalabakani cusub uma baahna tuumbooyin badan iwm oo waa mid qalabkii hore ee dab damiska aad uga degdeg badan

Qalbkan waxaa soo dhoweeyey shaqaalaha dab damiska ee caalamka horuumaray ee ka walaaca dabka qabsada cimaaradaha cirka ku shareeeran (skybar ) ee ka fog gurmadka, isku soo wada duub dalka China in uu sameeyo babuur wanaagsan oo raaxo iyo tayo leh guul wayn kama uu gaadhin, laakiin guul wayn ayuu ka gaadhay samaynta qalabka cusub ee dab-damiska, sidaa darteed China waa caadadiis in uu sameeyo wax soo saar been abuurah , laakiin bal hadana indhaha aan u kala furno qalabkan waa sida ay xustay warbixntani.

Sidoo kale waddamo badan ayaa dalbadey taasina waxa ay keentay in qiimihiisu uu cirka isku shareero kaas qiimaha baabuurkan iyo qalabkiisu ay dhan tahay $455,838 oo dollar.

M.Farah Aden ( Ghandi )