Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Axmed Ismaaciil Samantar Iyo Safarkiisa Ottawa

Monday - May 23, 2011

Prof:Axmed Ismaaciil Samatar Iyo Safarkiisa Ottowa+Warbixin Xiisa Badan


23/05/11-Ottowa-(Bnn) Bishan dhamaadkeeda waxaa magaalada Ottawa ee caasimada Canada ku soo began Professor Ahmed Ismaciil Samatar oo ah cilmibaadhe soomaliyeed. Dr Samatar wuxuu professor ka yahay James Wallace isagoo dhiga  International Studies isagoo waliba Hormood( Dean) ka ah Macadka “Institute for Global Citizenship” ee Macalester College oo ka mid ah Jaamacada Minnesota ee dalka Maraykanka. (His current research is on two tracks: leadership and the state in Somalia, and globalization and the rise of Islamic consciousness).


Dr Ahmed I.Samatar wuxuu soddan sano ku dhawaad u kuurgalaayay arimmada siyaasada iyo bulsho ee Somalia waana aqoonyahan is waafijiyey cilmigiisa iyo baahida loo qabo in la darso dhibaatooyinka soomalida haysta. Kartidiisa shaqsi ahaaneed wuxaa ku ladhan cilmigiisa muga leh ee lagu qadariyo wuxayna soomalidu uuga baratay ka dhawaajinta xaqiiqooyinka ummadiisa hortaal, lamina gabado inuu ku dhawaaqo runta sidey doonto ha u qadhaadhaatee.

Socdaalka Ottawa ee Professorka wuxuu ku lugleeyahay inuu reer Ottawa u soo bandhigo daras siyaasadeed oo walwaalaya farsamooyinka Soomali u sahlaaya inay ka gudubto mugdiga una gudubto barnaamij rajo xambaarsan. Barnaamijkaa rajada xambaarsan waa mabda’a ka dambeeyee aas-aaskii ururka siyaasadeed ee Hiil-Qaran ee dhawaanta aqoonyahano soomaliyeed ku dhawaaqeen.

Daraska siyaasadeed ee Professor Samatar arimada uu soo bandhigi doonaa waxaa ka mid ah  tasfiirka mabaadiida Hiil-Qaran, ururkaas oo ka soo maanguurey aqoonyahano soomaliyeed oo ka dhawaajiyey inay heleen oo ay hayaan dawadii Qaranka soomaaliyeed dib ugu nooleyn lahayd Nafteeda oo ah Dawlad Somaliyeed ( Somali State).

Hiil-Qaran dadka u tafaxaytay waxay si mug leh u darseen dhibta soomaliyeed gaar ahaan sobobaha ay u fashilmeen ama wax taag daran uga soo baxay  dhowr iyo tobankii shire ee isku dayay in Dawladii Soomaliyeed haykalkeedii la soo cesho. Cilmi baadhistaasi waxay keentay in Hiil-Qaran  fahmo guuldarooyinkii hore dabadeedna, fahankaasina wuxuu u sahlay inay helaan dawooyinka ama sifooyinka  hogaankooda iyo ummada soomaliyeed ka badbaadin kara dabinadii horey u fashiliyey shirarkii badnaa ee madhalayska noqdey.

Bulshada soomaliyeed ee deggan Ottawa waxay aad ugu xiiso weyn yihiin inay dhagaystaan Professor Samatar iyo faahfaahinta uu ka bixin doono arimada aan kor ku sheegnay. Kulanka Professor Samatar qabanaayo wuxuu ka dhici doonaa bishan May 29, 2011 keeda jaamacada Ottawa ( OU) saacada markay tahay 2:00PM-6PM. ( Waa kulan dadweynaha u furan).

Inta uu joogo Professorku Ottawa wuxuu waliba maalinta sabtida ee 28 ka May ( 2:00PM-5:00PM) ka hadli doonaa Bayshore Community Centre halkaas oo uu kula kulmi doono Tol Leadership Council xubno ka mid ah, dhalin, waayeel iyo madax-dhaqameed kala duwan. ( contact: 613 600-7332).