Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Madaxdi Maamulada Mahaiiga-Land Oo Ku Si Qulquleysa Magalada Nairobi Iyo Shirka Beri Ay UN-ka Wadato

Tuesday - May 24, 2011

Madaxda qoqobka maamulada Soomaalida ayaa ku sii qulqulaya magaalada Nairobi halkaas oo uu berri kulan kula yeelan doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo socdaal ku maraya afar magaalo oo ka tirsan Bariga Afrika.

Golaha Ammaanka oo maraya Khartoum, Jubba, Addis Ababa iyo Nairobi ayaa berri waxaa uu la kulmayaa madaxda Soomaalida ee TFG oo xukuumad iyo baarlamaan u kala socota iyo maamul goboleedyada Puntland ,Galmudug, ximin iyo xeeb iyo Somaliland iyada oo qodobka ugu weyni uu yahay midka kala qeybiyay Madaxda Soomaalida ee ku saabsan waxa laga yeelayo marka xilliga ku meel gaarku dhammaado bisha August.

Waxaa maanta soo baxday in wafdi Wasiirro ka kooban oo ka socda Somaliland ay iyagu doonayaan iney si gaara ula kulmaan golaha Ammaanka ee QM, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee ay Somaliland la kulanto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo isugu yeertay soomaalida

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa BBC u sheegay in ka qeyb galka kulankan aan micnihiisu ahayn in Somaliland ay wax iska beddeleen mowqifkeeda ku saabsan madaxbannaanida.

Si kastaba ha ahaatee Kulan maalinta ah ee ay Q/Midoobay Soo Agaasimeen Ayaanan La Garan karin Natiijada Wax Ku oolka ah ee ka soo Bixi Doonta iyada oo ay jiraan Khilaaf Xoogan oo u dhaxeeyay Mas'uuliyiinta Sarsare Ee DKMS oo Uu Shariifku Garwadeenka ka yahay."