Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Laba Ka Mida Burcad-badeedi Somaalida Ee Ku Xiran Mareykanka Oo Qiratay In Ay Ku Lug Lahayd Dilkii..

Tuesday - May 24, 2011

California- Laba ruux oo Soomaali ah oo ka mid ahaa burcadcad-baddeed ayaa qirtay shalay in ay qayb ka ahaayeen afduub loo geystay afar qof oo u dhashay dalka Mareykan ah bishii Febuary ee sannadkan, kuwaasoo markii dambe la dilay, waxaana labadan ruux ay ka mid yihiin koox ku xidhan dalka Maraykanka oo loo haysto in ay afduubka iyo dilkaba gacan ka geysteen.

Burhaan Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Jeylaani Abdi Cali oo ah labada qof ee dambiga qirtay ,ayaa la sheegay inay wajihi doonaan xabsi daa'in, balse heshiiska qirashada dambiga ayaa waxaa qayb ka ah in muddo ka dib loo dhoofiyo dalka Soomaaliya oo ay u dhasheen.

Saddex qof oo ka mid ah dadka loo haysto dambigii dhacay ayaa hore u qirtay inay dambigaas galeen, waxaana dadka loo haysto falkani ay ka kooban yihiin 14 qof oo Soomaali ah iyo Yemeniyiin isugu jira , sida ay qoreen qaar ka mida warbaahinta Maraykanku maanta oo Salaasa ah.

Doonida la yiraahdo Quest oo ahayd tii lagu afduubay afarta qof ee Maraykanka ah ayaa waxaa lahaa Jean iyo Scott Adam oo kasoo jeeda gobolka California ee dalkaas iyo laba saaxiibbadood ah oo kasoo jeeda gobolka Seattle laguna kala magacaabi jiray Bob Riggle and Phyllis Macay, waxaana la toogtay maalmo kaddib afduubkoodii, ka dib markii ay ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ay isku dayeen in ay badbaadiyaan.

Afartan ruux ayaa noqonaya dadkii ugu horreeyay oo Maraykan ah ee ay dileen burcad-badeedda Soomaalida ahi iyadoo garsoorayaasha maxkamadda ay shanta qof dambiyada ka qirteen ay sheegeen in afduubka burcad-badeedda uu ahaa mid dhaqaale doon ah, balse aysan jirin sabab kale oo ay afarta qof ee Marayanka ah u dileen.