Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Hooyo Somaaliyeed Oo Ku Nool Wadanka Mareykanka Oo Arin Naxdin Leh Ku Habsatay

Wednesday - May 25, 2011

Indianapolis-Hooyo soomaaliyeed oo lagu magacaabo Edyan Farax oo 28 sano jir ah kuna nool magaalada Indianapolis ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxay sameysay wax lala yaabo ka dib markey 4 ka mid ah 5 caruur ah oo ay dhashay ay ku xirtay armaajo Ciriiri ah taas oo keentay in 2 ka mid ah caruurtaasi ay ku geeriyoodaan halkaasi.

Hooyadaan ayaa la sheegay inay caruurtaasi ay ku xirtay armaajadaas ka dibna ay tagtay oo ay booqasho u aaday dad ay is yaqaaneen iyadoo ay halkaasina ay ku maqneyd in ka badan 10 saacadood iyo bar taa oo ilaa iyo waqtigaasi ay caruurtaasi ay halkaasi ku xirnaayeen iyadoo markey hooyadaasina ay soo noqotay ay la kulantay 2 ka mid ah caruurteedii oo halkaasi ku dhintay, iyadoo aabihii dhalay Carruurtaasina la sheegay inuu safar ugu maqan yahay dalka Soomaaliya

Caruurta dhimatay oo kala ahaa wiil yar oo 3 sano jir ah oo lagu magacaabo Zakariya iyo gabar walaashiis ah oo 5 sano jirah laguna magacaabo Zuhur, iyadoo sida la sheegayna ay caruurtaasi u geeriyoodeen ka dib markey ay neef Qabatoobeen ama uu naqasku ku dhegay.

Ugu dabeyntiina hooydaan oo hada xabsiga loo taxaabay ayaa waxay sheegtay inaysan waxba ka ogeyn ama aysanba maskaxdeedu taam ahayn markey caruurtaasi ay ku xiraysay armaajada,waxaana hada arinteeda baaritaan ku haya booliska magaaaladaasi waxaana laga yaabaa in hooyadaasi lagu soo eedeeyo inay dayacday caruurteeda, waxaana 3 ilmood ee kale ee ka badbaaday shilkaasi lagu wareejiyey hada qolyaha xanaaneeya caruurta."

Si kastaba ha ahaatee dhacdadaan ayaa noqonaysa midi labaad oo ka dhacada dalka mareykanka gaar ahaan magalada Ohaayo,waana arin ugub ku ah bulshada Somaaliyeed ee qurbaha joogta taas oo inta badan hooyo Soomaaliyeed ayna ka suuragaleynin in ay ilmaheeda sidaas oo kale u dayacdo, waxaase tani ay noqon kartaa mid xanuun wadata oo laga yaabo Waalidkani uu ahaa mid maskaxda wax ka qabay.

Cabdirizak Maxamed Xiirey- Holland