Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Astaamaha Siyaasiga Wanaagsan Iyo Siyaasiga Somaaliyeed

Wednesday - May 25, 2011

Caadiyan xilliga uu siyaasi ugu jilicsan yahay una hadal macaan yahay waa xilliga uu sharaxan yahay ee uu dagaalka ugu jiro in la doorto kolkaasuu uu balan qaado inuu circa rinjiyeeyn doono, inuu lama degaanka doog u bedeli doono iyo dhawaqyo badan oo laab la kac ah oo in la maqlo ku macaan balse afka kala bax iyo iska dheh u badan balse aanu waxba ka qabanin intooda badan.

Dalkeenna Soomaaliya oo la oran karo halka uu ka cayn wareegayba waxaa ugu horeeya hogaan xumo iyo la’aanta siyaasi xambaara hamiga iyo rabitaanka shacabka ayaan xisaabta kuba jirin waayo xitaa majirto halkan maalin ee uu qofka shacabka ihi ugu yaraan ku raaxaysto baryootanka siyaasiga beenloowga ah.

Sidoo kale waxaa siyaasiyiin ku sheega Soomaalida caawinaya dadka Soomaaliyeed oo erayga siyaasad u fahansan ‘sir’ ama ‘wax is daba marin’ laakiin caadiyan hadii siyaasad la qeexaa waa fan ama adab cilmi ah oo ku qotoma sida loo maamulo dal, xisbi IWM.

Hadaba waa kuwan qaarka ugu muhiimsan baxaalliyada binaa’iga ah ee loo baahan yahay siyaasi bed qaba xisi iyo maan una qalma in qaran iyo qiyamkii lagu aamino:

1-Inuu Allah jeclaado oo misna ka cabsado/ ka yaabo.
2-Inuu dalkiisa jeclaado dantiisana u adeego.
3-Inuu dadkiisa jeclaado dantoodana u adeego.
4-Inuu jeclaado u shaqeeynta jaallayaasha dalkiisa isagoo aan ku xadgudbeynin axdiyada dalka u degsan.
5-Inuu yahay qof leh qiyam qofeed iyo akhlaaq suuban.
6-Inuu yeesho tayooyin hogaamineed oo heer sare ah.
7-Inuu yahay qof wax bartay oo ay aqooni hageeyso.
8-Inuu yahay burjaawi laga haybaysan karo.
9-Inuu yeesho awood uu shacabkiisa ugu muujiyo rabitaankiisa siyaasiga ah ee aanu noqon nin aan la fahmi karin halka uu dalka iyo dadka u wado iyo dumuuxaadkiisa mustaqbalka.
10-Inuu daacad noqdo oo uu runta ixtiraamo xitaa hadii ay taasi ka dhigan tahay inuu xilkiisa miiska saaro.
11-Inuusan noqonin qof u jilicsan una janjeersada sandareertooyinka iyo xoolaha musuqa sida musuqa ah lagu kasbo xitaa dhururuqba ha noqotee.
12-Inuu aalaaba taageero oo uu dhaqan geliyo xeerarka u degan dalkiisa.
13-Inuu leeyahay aragti fog.

Nasiib xumo marka aad intaan oo qodon aqriso waxaa markiiba maskaxdaada sidii falaar ugu dhaceysa waa tee astaanta quree ee uu siyaasigeena maantu la wadaago? Jawaabtu waa bil caksi.Waxaa jirta oraah caan ah oo tiraahda ‘’Waxa aad dalkaaga u qaban karto ayaa ka muhiimsan, waxa uu dalkaagu adiga kuu qaban karo’’ laakiin murtidaasi oo la macmalay lana maraja haboowshey waxay dalkeenna ka tahay ‘’waxa aad dalkaaga ka qabsan karto ayaa ka mudan waxa uu dalkaagu kuu qaban karo’’. Ee ka ag dhowoow inta ay dhiiqayso marka ay dhimatana ka dhaqaaq.

Dhanka kale shacabkeena oo inta badan sida aan soo sheegay si khaldan u liqay waxa uu siyaasi yahay ayaa marar badan gacan hagar la’aaneed ka gaysta inuu siyaasigu dantiisa uun qunsado waayo mararka qaar baad arkaysaaba iyagoo qofka daacada ah dowgii ka leexinaya iyagoo u dardaar werinaya ‘’War horaa loogu daalaye ka daneyso’’ laakiin xaqiiqdii ‘’Daacadi ma hungoowdo’’ ee DAA’IN ka cabsooda.

Waxaan ku noolnahay dal horay ujeedka loo yaqaano ‘SUUFI IWM´´ marka la yaab malaha in daacad daradu fariidnimo noqoto…Weli ma aragtay mid ku leh ‘’war kaasi dad maaha oo wuxuu saf ila gelshey dad shisheeye ah (erayga shisheeye inay Soomaalidu isugu yeerto iyagoo eegaya khadadka qabiilka waxay ka mid tahay fikradaha naga khaldan). Marka dadkoow garta doorka aad ku leedihiin inuu siyaasigu idiin siyaasadeeyo qabyaaladiina indha la’aanta ah ee hogaamiyaha aan ku doorano waxa uu galo, waxa uu gudo iyo waxa uu gooyo.

Waxaan ku riyoonayaa maalinta aan madaxweyne iyo ra’isul wasaare aan ka dhigan karno laba nin oo xitaa mataano ah kuwa iskaga fogba iska daaye inagoo kaliya eegeyna astaamaha aan soo sheegay balse aan waxba kasoo qaadeynin qabiilka ay ka dhasheen.

Marka aan sidaa leeyahay meesha kama saarayo inay jiraan 5% daacad ah oo ka mid kuwa haatan digsiga gubtey walaaqaya iyo dhowr kale oo bulshada ku dhex maqan balse soo bixi doona maalintii Alle doono laakiin dhan kastoo laga eegaa siyaasi xumo waa waxa aan u silicnay.

Waxaa Diyaariyay; Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto:[email protected]
Gothenburg, Sweden