Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Madaxweynihii Hore Ee Masar X. Mubaarak Iyo Labadisi Wiil Oo Kiiskoodi Loo Gudbiyey Maxkamada Heyg

Thursday - May 26, 2011

Qaahira-Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Masar Cabdilmajiid Maxamud ayaa shalay Talaadadii daboolka ka qaaday inuu madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak iyo labadiisa wiil Calaa iyo Jamaal iyo ganacsadaha baxsadka ah  Xuseen Kamaaludiin Saalim in kiisaskooda loo wareejiyay maxkamada denbiyada.

Xeer ilaaliyaha ayaa waxa uu sheegay in madaxwene Mubaarak inuu kula heshiiyay wasiirkii  hore ee arrimaha gudaha ee dalka Masar Xabiib Al cadili iyo taliyaal ka tirsaan boliska dil ula kac ah in loo geysto ka qayb qaatayaashii banaan baxyadii kacdoonka ahaa ee ka dhacay gobalada dalka Masar.

Waxa xeer ilaaliyuhu intaas ku daray in madaxweyne Mubaarak uu ku booriyay saraakiisha ciidamada amaanka in ay u adeegsadaan banaan baxayaasha rasaasta nool,qaarkodna ay dilaan si inta kale ay u cabsadaan ugana joogsadaan banaan baxa socday.