Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Tahriibayaasha Somaalida Ku Nool Dalka Greece Oo La Soo Baxa Hub Ay Kaga Baxsadaan Dalkaas

Thursday - May 26, 2011

Qaxootiga ku nool dalkaas Giriiga oo ay ku jiraan Soomaalida ayaa waxay isku dayaan inay dalkaas kaga soo gudbaan wadamada kale ee Yurub iyagoo isticmaalaayo hab yaab leh oo islmarkaana khatar weyn ku ah noloshooda.

Soomaalida oo badankooda looga qaato lacago fara badan ka soo gudbinta dalkaas Giriiga ayaa arintaas aysan waxba ku ahayn qaxootiga kale ee faraha badan ee ka soo jeeda wadamada waqooyiga Afrika, qaxootigaas ayaa waxay isku deyaan inay wadamada Yurub ku yimaadaan iyagoo ku soo dhuumanaayo baabuurta waaweyn ee xamuulka qaada iyagoona noloshooda khatar weyn galinaayo si ay u soo gaaraan wadamada reer galbeed gaar ahaana dalalka Yurub maadaama uu dalkaas Giriiga uu tiisaba la liicaayo oo dadkiisaba uu kaafin la'a yahay qaxootiba hadalkiisa daayee.

Ugu dambeyntii iyadoo ay qaar ka mid ah darawalada ka dhex shaqeeyo dalkaas Giriiga iyo wadamada kale ee reer Yurub ay arintaas ka muujiyeen walaac weyn maadaama dad aysan ogeyn intey ku soo dhuuntaan baabuurtooda loo ganaaxaayo iyaga laguna eedeynaayo inay ku lug leeyihiin xambaar, ayaa Marcel Sulker oo ah darawal dhalashadiisu ay tahay dalka Holland kana dhex shaqeeyo dalkaas Holland iyo Giriiga waxaa uu sheegay inuu dhowr jeer la kulmay dad ku dhuumanaayo gaarigiisa xamuulka oo uuna ka soo dhex saarey ayna tahay dhib weyn hadii lagu helo dadkaas oo aysana ka war heyn iyagu inay ku sugan yihiin gaarigooda xamuulka."

Si kastaba ha ahaatee Arimahan iyo Arimo kale oo inta badan ay ku kacaan dadka Tahriibayaasha ay ka midka yihiin Soomaalidu ayaa la oran karaa waxa ay tahay Khatar ay arkayaan oo ay bareerayaan, tanina waxa ay ka dhigan tahay Nafla caariga Iyo Jaahwareerka Haysta Dhalinta Soomaaliyeed Ee Ka soo ordaya Dhibta iyo Rafaadka daran ee yaala Dalkoodii Hooyo.