Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Qaxooti Reer Yaman Xabadka Caruurtooda Ku Wata Oo Ku Soo Fooleh Dhulka Puntland

Thursday - May 26, 2011

Waxaa la sheegaya in cutubyo daacad u ah madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo wata Kare, Beebe iyo Birigaano ololaaya, dibnaha ruugaya ay dagaal is-maqiiq ah ku soo qaadeen xarunta u daganyahay Saadiq Al-Axmar oo ah hogaamiyaha qabiilka la yiraahdo Xaashid ee haybada miisaan ku leh bulshada carigaas Yaman, isago ujeedadiisu ahayd inu shiikhaas mucaaradka ka raacay u xayndaab galiyo, goonyaha gumac rasaased kaga rido si nabar weyn loo gaarsiiyo,laakiin sida la sheego shiikh Saadiq al-Axmar ma aha oday boqol iyo jar,bir iyo hadaan ka leexda, ma aha nin isaga iyo tolkiisa buntukh lagu waabin-karo lagana macaashi-karo, waxuuna shiikhaas Al-Axmar isago ciil iyo baraaruf la banaaxinaya ,ayuu amar ku siiyey beeshiisa oo yiri; waxaan nahay gob la rabo in naamuuskii nala ku yiqiin laga siibto, war guntada seeftuna galka ha diido, isagoo intaa si raaciyey oo yiri; faataadhugle, garmaqaate Cali Cabdalla waa khaaiin dhereg la kibray waxaana ku kalifeynaa inu dalka caga-cadaan kaga baxo .. waxaana warku sheegaya in talabadas labada dhinac ay qaateen u dalkii durbadiiba khalkhal nabadgalyo xumo galay, dockastana aysan fiyoobi ka jirin oo colaadi degmo iyo gobol ku sii baafeyso. 

Weerarki lagu soo qaaday Shiikh Saadiq Al-Axmar waxaa looga dilay 38 qof iyo dhaawac aan tiro yareyn, halka ciidamada Cali Cabdalla ku naf waayen labaataneyo iyo tobaneeyo dhaawaca, laakiin ujeedadi weerarkooda ee ahayd iney bacaadka ku heryeeyaan Shiikh Saadiq Al-Axmar iyo colalkiisa u noqday dagaal lagu khasaaray, taaso keentay in 60 malyan oo qabaaiilka Yamana hogasho ciil awgii hubki qaaden oo iminka heegan dirir ku jira, sida Odoroska todobaadkaan xabadi afkay ka bixi-doonta haddi xag alle aysan ka imaan badbaado, maxaa yeelay wixii waan-waan ahaa labadi dhinacba waxay ka bixi-waayeen macangagnimo, qabweyni iyo qir iyo qir baa looga taag waayey, oo sida muuqata sidi qabaailkii Somaaliya ayey mawjadaha badweynta ku hafan-doonaan.

waxba dhacdada iyo akhbaarta Yaman yeyse ila gudbine, Sida dad badani ay qabaan sheekada halka ay gaartay dalka Yaman waa miineysanyahay,waxaana bilaabantay qax iyo hadba qolo dhinac u yaacda .. caasimadi Sancana gabi ahaanba waa laga gurguuraya markii nabadi, korontadi iyo biyihiiba ay sii wiiqmeen oo aan laba heleyn .. waxaad mooda dad fitnada mawdka ku taaganyahay oo aan loo taag heleyn, waxoodana waa qoosh-qoosh qaran iyo qabiil ay isku dhex wadaan, waana taas hanadadoodi la leeyahay waxay u xayd-xayteen qoor gooyo iyo ku yaac dagaal .. ma daama dhulkooda u yahay qorax banaan oo dabeyshu ku qadeyso aakhiro-tahan waxay ku khasbanaan-doonaan iney Somaaliya Soo Aadaan iyo xagaa iyo dhulka Puntland iyago caruurahooda xambaarsan, waana noo gudboontahay inaan garab siino oo dajino.