Golaha Barlamaanka Oo Qabuul Ku Ansixiyey Digtoor R/W Cabdiweli Gas
Tuesday - June 28, 2011
Mogdisho: Fadhi subaxnimadi saaka ay yeesheen golaha shacabka oo ay goob joog ka ahaayeen labada Shariif ayaa ka dooday magacaabista raiisal wasaaraha cusub Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo fadhiga golahaa markaas ku soo xaadiray tiro 450 xildhibaan.
Dood ay inta badan halkaa ka jeediyeen xildhibaanada golaha ayaa intooda badan soo jeediyey in codka raiisal wasaarha lagala bakhiilin oo si hufan oo kalsooni leh loo siiyo, taaso keentay in markii dambe cod loo qaado oo halkaas aqlabiyad cod ku helay tiro dhan 437 iyo mid qura oo yiri Maya , halka 5 xildhibaan la yiri wey ka aamuseen
Dr. Cabdiweli oo ahaa shakhsiga ku xigay xaga golaha waiirada Farmaajo ayaa madaxweynuhu u xushay inu noqdo Raiisal wasaaraha cusub markii farmaajo booskii ka baxay, waxuuna Cabdiweli markii la anshaxiyey kadib xildhibaanada ka codsaday iney xilka loo egmaday gacan ku siiyaan,lsla markaa waxuu xildhibaanada ka codsaday in ay ka hadlaan heshiiskii ka dhacay Kambala oo Goluhu fadhigoodu kaga doodaan, isagoona sheegay in mudanayaasha ay xaq u leeyihiin inay heshiiska wax ka bedelaan amase wax ku kordhiyaan.