Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Madaxweyne

Thursday - June 30, 2011

Museveni Oo Cagta Hoosteeda Galiyey Labada Shariif Kuna Hanjabay In uu Xabsi Dhigi-doono       
Thursday, 30 June 2011 
 


 
Kampala: Waxaa soo baxaya xog ku saabsan wada hadalo qarsoodi ah oo labada Shariif dhowaan la yeesheen madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Museveni intii uu socday kulankii lagu soo go'aamiyey heshiiskii Kampala ee la soo saxiixay 09-kii June.

Xogtan ayaa cadaynaysa in madaxweynaha Uganda Museveni uu digniin hanjabaad ah u jeediyey madaxweyne Shariif Axmed iyo afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan, isagoo u sheegay inuu xir-i doono haddii ay deg deg isugu raaci waayaan heshiiska Kampala.
 
Markii ereydaas uu ku dhawaaqaayey Museveni waxa goobta joogay Augustine Mahiga oo ah wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana warbixintu sheegeysaa in Mahiga uu la dhacsanaa caga jugleynta dhegaha loogu shubay labada Shariif, Wuxuuna Mahiga horay labada Shariif ugu sheegay in Museveni uu yahay nin aan laga hor iman Karin taladiisa, waayo ayuu yiri "wadanka Uganda waa kan ciidanka ugu tirada badan ay ka joogaan Muqdisho isla markaana ilaaliya xarumaha dawlada gaar ahaan Villa Soomaliya". Wuxuuna sidaa awgeed Mahiga kula taliyey labada Shariif in aanay isku dayin inay ka hor yimaadaan hadaladiisa.
 
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Mr. Mahiga oo ahaa ninkii dejiyey shaxda heshiiska Kampala laftiisu uu aad ugu qanacsanaa in heshiiska Kampala duuduub loo qaato, isla markaana si wax ku ool ah loo fuliyo waxyaabaha ku qoran.
 
Hanjabaad labo-waajiilanimo
 
Sidoo kale xogta aya tilmaantay in Museveni uu hanjabaad kale u jeediyey wadamada beesha caalamka, isagoo sheegay in haddii DKMG waqti sanad ah loogu kordhin waayo uu ciidamdiisa ka soo saari doono Muqdisho ka dibna Al-Shabaab ay si deg deg ah u afgembin doonto DKMG oo ah mid aad u jilicsan awood ahaan.
Warbixinta waxay sheegtay in hadaladaasi ka soo yeeray Museveni ay waji gabax ku ahayd xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya oo bshii Febuary 3-deedii Muqdisho ku meelmariyey in mudo 3 sano ah ay ku darsadeen. dhinca kale go’aanka barlamaanka Soomaaliya waxaa waxba kama jiraan ka dhigay hadalka Museveni.
 
Amisom oo u digtay Raysal wasaare Farmaajo
 
Xogtan ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday in ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho oo u badan kuwa Uganda ay si cad ugu digeen Raysal wasaarihii hore ee DKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyagoo u sheegay in haddii uu iscasili waayo, sida ku qoran heshiiska Kampala in Amisom aysan masuul ka ahayn amnigiisa.
Waxay Amisom sidoo kale Farmaajo u sheegeen in Yuweri Museveni oo ah taliyaha guud ee ciidanka Uganda ee loo yaqaano UPDF uu amar ku soo siiyey in ay ilaalada ka qaadaan guriga raysal wasaare Farmaajo hadduu ka biyo diido iscasilaadii lagu qasbay ee lagu soo qoray heshiiska Kampala.
Warbixinta oo laga heley ilo diblomaasiyadeed oo ajnabi ah ayaa sheegtay in Soomaaliya oo 51 sano ka hor xoriyadeed qaadatay ay hadda u muuqato mid magan u ah Augustine Mahiga iyo Yuweri Museveni, gaar ahaan arimaha go’aan gaarista dawladeed. Waxayna inta ku dartay xogtan in Soomaaliya ay hadda ugu liidato marka loo eego marxaladihii ay soo martay 20kii sano ee burburka.
 
Hogaan xumida labo Shariif
 
Xogta ayaa dhanka kale taabatay hogaan-xumida iyo aqoon yaraan dhanka siyaasadda oo hadhaysay labada Shariif, waxayna xogtani tilmaantay in labada Shariif ay u dhaqmaan sida “Xarfaan budhcadnimo ku heshiisay” halkii ay ka noqon lahaayeen madax qaran.
Waxay tusaale u soo qaadatay in hannaanka dawladnimo uu labada nin kaga weyn yahay saaxiibtinimada oo wax badan ay ku saleeyeen. Tusaale ahaan xafiisyada dawlada sida wasiirada, madaxtooyada iyo xafiiska gudoonka barlamanka waxaa dhamaan ay geeyaan rag ay isku mabda’ yihiin oo ay saxiibtinimo ku soo xusheen Labada Shariif halkii ay aqoon iyo karti ku soo xuli lahaayeen masuuliyiinta Hay'adaha muhimka ee dawlada.
 
Xigasho: RBC Radio
 
By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. [email protected] e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it