Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dawlada iiraan Oo Caro Ka Muujisay Filim U Soo Diyaariyey Raage Oomaar Kana Hadlaya Maxamed "SCW"

Monday - July 11, 2011

Telefishanka BBC-da ayaa dhawaan soo bandhigaya filim documentary ah oo ka hadlaya siiradda Nabi Maxamed (SCW) oo soo diyaariyey Suxufiga weyn ee Caalamiga ah una dhashay Somaliya, Raage Oomaar .. Filimkan oo saddex qaybood ka kooban ayaa dareen caroo leh uu ka muujiyey Dalka Iran, kaas oo uu Wasiirka Dhaqanka iyo Amuuraha Diintu Mr. Mohammad Hosseini oo aan wali daawan filimkan, ayaa ku tilmaamay mid laug waxyeelaynayo diinta oo uu ka danbeeyo cadawgu, Waxaanu yiri Mr. Mohammed oo u waramay Wakaaladda Wararka Dalka Iran ee Fars "GoÂ’aanka ay BBC-du ku doonayso inay ku sii dayso filim documentary ah oo ka hadlaya noloshii Nabi Maxamed (SCW), waxaanu  u aragnaa mid shaki leh oo haddii ay run noqdaan shakiga aanu qabnaana, waxaanu qaadi doonaa tallaabooyin adag."

Filimkan ayaa lagu waddaa in bilawga Ramadaanta uu bilawdo oo uu baahiyo Telefishanka BBC-du, kaasoo uu soo diyaariyey iskuna duba-riday suxufiga weyn ee Caalamiga ah Raage Oomaar, oo intii uu samaynayey filimkan socdaal ku soo kalaa-bixiyey magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina.

Telefishanka BBC-da oo hadalka ka soo yeeray madaxda Dalka Iran ka jawaabaya ayaa sheegay in aanay garanayn wax filimkan lagu qoonsado, muuqaal ahaana aanay Nabi Maxamed (SCW) marna aan lagu soo bandhigay filimka ee diiradda la saarayo nolosha Nabiga (SCW) iyo dhacdooyinkii muhimka ahaa ee soo maray yaraantiisii iyo markii waxyiga lagu soo dajiyeyba.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska oo filimkan wax ka weydiiyey Rage           Oomaar, ayaa uu ugu jawaabay saxafigu: "Aad baan ugu faraxsanahay inaan soo gudbiyo filimkan taxanaha ah ee lagaga hadlayo taariikhda Nabi Maxamed (SCW) oo aan u arko inuu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah." Waxa kale oo intaas ku daray, inuu rajaynayo inuu filimkani uu daaha ka rogo doono waxyaalo badan oo dadka doonaya inay Diinta Islaamka fahmaan ay u baahan yihiin.

Dhinaca kale, u qaybsanaha arrimaha Diinta iyo Anshaxa ee BBC-da, Caqiil Axmed ayaa isaguna dhankiisa sheegay in filimkani aanay haba-yaraatee jirin wax uu dhimayo Diinta Islaamka.

Mr. Raage Oomaar oo haatan ka hawlagala Telefishanka Al-Jazeera, qaybta afka Ingiriisiga ku hadasha ayaa ah saxafi aad loo jecel yahay barnaamujyadda uu sameeyo oo ah kuwo aad looga soo dhaweeyo dhammaan dunidda oo dhan, laguna tilmaamo inay yihiin kuwo tayadoodu aad u sarayso.