Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Khilaaf Xoogan Oo La Sheegay In U Kala Dhexgalay Mukhtar Roobow Mansuur Iyo Axmed Godane

Tuesday - July 12, 2011

Baydhabo: Khilaaf xooggan ayaa la soo sheegayaa in uu soo kala dhex galay horjoogeyaasha sare ee maleeshiyda Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo Axmed Godane.

Khilaafka ayaa la sheegayaa in uu dhaliyay in ku dhawaad 30 gaari oo nuuca dagaalka ah, oo ay saaran yihiin maleeshiyaad badan oo daacad u ah hogaamiyaha labaad ee maleeshiyda, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ay tageen magaalada Baydhabo si ay awoodooda dhinac isugu geeyaan.

Sidoo kale ciidamo daacad u ah horjoogaha ugu sarreeyo maleeshiyda, Axmed Godane ayaa isaga baxay guud ahaan magaalada Baydhabo, waxaana ay aadeen jihada gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen ilo loo qaateen ah oo ku sugan Baydhabo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Bar-kulan u sheegay in maleeshiyaadka daacadda u ah Abuu Mansuur ay ku qulqulayaan xaruntii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ee ADC oo ku taallo Baydhabo, waxaana arrintan laga cabsi qabaa in ay xiisad colaadeed ka dhex dhaliso labada horjooge oo marar badan uu khilaaf soo kala dhex galay.

Labada horjooge ayaa dhowr jeer oo hore uu khilaaf soo kala dhex galay, waxaana khilaafkan laga yabaa in uu dhaliyo xiisado colaadeed oo maleeshiyda ka dhex dhasho,  xilli dhaqaalo darro ba’an ay soo food saartay.