Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Haweyney Gacanteeda Ku Sameysay Khamri Ay Ugu Yeertay " Wiskiga Islaamka"

Tuesday - July 12, 2011

Haweyney hore ugu tartantay golaha shacabka ee dalka Kuwait balse ku guuldareysatay, isla markaana horay u soo jeedisay fikrado badan oo xag jira ah kuwaaso ay ka mid ahaayeen shuruucda dalka kuwait in lagu daro xeer baneynaya in haween adooma ah dibada laga soo waarido iyo in haweenka dalka kuwait ay dalalka islaamka ah ka soo iibsan-karaan rag qurux badan oo guursada, ayaa hadana halkii ka sii anba-qaaday iyo waxyaabo la yaab leh oo ay hore u sheegtay.

Haweyneyda oo ah Salwa Madiiri ayaa markaan sheegtay iney gacanteeda ku sameysay waxa ay ugu yeertay " Wiskiga Khamriga Islaamka" kana sameysay dhir dabiici ah,kaasoo ay ku tilmaantay inu yahay mid qofka caba u soo jiidaya farxad, daganaan iyo mirqaan, waxayna intaas ku dartay iney wax-yaabahaas dhirta ay isku dartay uu hadda wasaarada dawladaha hoose yaaliin, oo ay fileyso in loo sharciyeeyo kadib marka baaritaan lagu sameeyo, markaa kadibna ay suuqa galin-doonto waxa ay ugu yeertay khamriga islaamiga ah.

Salwa Madiiri iyadoo ka warameysa Wiskigaan ay gacnteeda ku sameysay waxay tiri" waxaan ka sameyey dhir badan oo dabiici ah oo kala gadisan, waa mid markaad cabto maskaxdaada dajineysa oo dhan-dhankiisu macaanyahay oo hadi aad koob ka cabto markaaba waxaa ku saaqaya farxad iyo daganaasho, waana sababta aan ugu bixiyey khamriga bulshada ayey tiri

Salwa waxa oo kale ay sheegtay iney gacanta ku hayso waxa ay ku sheegtay " Sigaarka Farxada" oo isna sido kale ka sameysay dhir dabiiciya, kaasoo ay sheegtay inu leeyahay ur udgoon oo sida cadarka oo kale ah,waxay tiri markaad qiiqiso waxaad daremeysa niyad wanaag iyo fir-fircooni, sigaarka caadiga ah waxuu kaga duwanyahay ayey tiri ma laha ur qarmuun.