Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Sir-doonka Mareykanka Oo Xarumo Xabsi Ku Leh Magaalada Mogdisho Iyo Dawlada KMG Oo Xaqiijisay

Wednesday - July 13, 2011

Washington-Xarunta dhexe ee sirdoonka dalka Mareykanka CIA-da ayaa la sheegay inay Soomaaliya ku leedahay xabsiyo qarsoodi ah, sidoo kalena ay ciidammo gaar ah oo ay maamusho ay u fuliyaan howlaha ay u baahan yihiin, si uu qoray wargeys lagu magacaabo The Nation oo kasoo baxa dalka Mareykanka.

Warkan ayaa lagu sheegay in CIA-du ay dhismayaal gaar ah oo ay xabsiyadu ku jiraan ku leedahay meel ka baxsan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ku teedsan xeebta badweynta Hindiya. "Ciidammo Soomaali ah oo u shaqeeya CIA-da oo ay iyadu maamusho ayaa ku sugan dhismayaashaas," ayaa lagu  sheegay  warbixinta lagu soo daabacay wargeyska, inkastoo saraakiisha hay'addan ay iska diideen warkan.

 Ururka  Al-shabaab ayaa hore  u sheegtay in ciidamo u shaqeeya sirdoonka Mareykanka ay ku sugan yihiin Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha oo ay gacanta ku hayso dawladda Soomaaliya.

" Wax xabsi ah kuma lahan CIA-du Soomaaliya," ayay tiri sarkaalad ka tirsan CIA-da oo qarisay magaceeda, iyada oo  intaas ku dartay: "Ma jiraan ciidamo Soomaali ah oo naga noo shaqeeya, waana arrin aad u yar in ay dhacdo."

Muqdsiho waxa ku sugan ciidamo ay loo yaqaan PS kuwaasoo la sheego in ay ka helaan dhaqaalaha dawladda Mareykanka, balse ka tirsan  ciidmada sirta  ee dawlada Soomaaliya  , kuwaasoo ka soocan ciidamada kale ee dawladda labis ahaan iyo gaadiid ahaanba .

Warkan ayaa intaa ku daraya in CIA-du ay si qarsoodi ah u adeegsato xabsiyo ay leeyihiin ciidamada sirdoonka DKMG ah kuwaasoo ku yaalla xaruntooda, halkaasoo lagu xiro dadka looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Wasiir u dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiqaadir Macallin Nuur oo wargeyska The Nation ugu warramayay Muqdisho ayaa xaqiijiyay in sirdoonka Mareykanka ay wada-shaqeyn ka dhexeyso sirdoonka DKMG ah, oo ay  siiyaan tababarro